HomeSomaliland: Guddiga Qaran ee Taakuleynta Shacabka Beledweyne oo Somalia ula dhoofay $600,000...

Somaliland: Guddiga Qaran ee Taakuleynta Shacabka Beledweyne oo Somalia ula dhoofay $600,000 oo Deeq ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dhoofay Guddi ka kooban Culimo, ganacsato iyo Wax-garad oo dowladda Somaliland u xil-saartay taakuleynta Shacabka magaalada Beledweyne ee Soomaaliya oo waxyeello ka soo gaadhay Fatahaadda Webiga Shabbeele.

Guddiga ayaa loo xil-saaray inay shacabka iyo bulshada qaybaheeda ka soo ururiyaan taakuleynta Shacabka reer Beledweyne oo ay muddo iyo dheeraad ah ku gudo-jireen, ayaa isla maanta u dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo shacabka, ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland oo ay metelayaan ka sida Adduun lacageed oo dhan $600,000 (Lix Boqol oo Kun oo Dollar).

Guddigan oo uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah culimadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid, ayaa saxaafadda la hadlay ka hor intii aanay ka dhoofin gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee Caasimadda Hargeysa.

Guddigu waxa ay Shacabka, ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland oo madaxweynuhu ugu horreeyo uga mahad-celiyeen sida hagar-la’aanta ah ee ay uga qayb-qaateen ururinta taakulada lacageed ee loogu gurmanayo Shacabka Soomaaliyeed ee dhaqan magaalada Beledweyne.

Muuqaallka Hoose kaga Bogo Hadalka Guddiga iyo Masuuliyiinta Dowladda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories