HomeSomaliland: Guddi Wasiiro ah oo Kulan la Yeeshay Haldoorka iyo Ganacsatada Bariga...

Somaliland: Guddi Wasiiro ah oo Kulan la Yeeshay Haldoorka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddi Wasiirro ah oo Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray sii-amba-qaadista wada-hadallada u socda xukuumadda iyo mucaaradka, ayaa maanta kulan la qaatay Aqoonyahanka, Waxgaradka, Ganacsatada iyo haldoorka degaanka Bariga Hargeysa.

Guddiga oo madaxweyne magacaabay ka hor intii aanu dalka ka dhicin mudaharaadkii ay xisbiyada mucaaradku 11-kii bishan ka dhigeen dalka, waxa guddoomiye u ah wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, waxaana xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr.Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad (Saajin).

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay saamayntii ka dhalatay Mudaharaadyadii ka dhacay dalka, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Shacabka iyo ciidammada ammaanka isugu jira.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey, arrimaha lagaga wada-hadlay iyo Jewigii kulanku u qaboomay, waxaana lagu yidhi, “Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si qalbi furan u qaabilay Haldoorka degaanka Bariga Hargeysa, iyaga oo Wasiiradu si fiican u dhegaystey talooyinkii ay soo jeediyeen Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo isu xilqaamay in ay dhexdhexaadiyaan, ma door shariif ah ka qaataan Khilaafka taagan, iyaga oo u wajahaya sida ugu wanaagsan.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo ah guddi ka shaqaynaysa isu soo dhowaynta labada dhinac, iyada oo laga duulayo adkaynta nabadgelyada iyo isu soo dhowaynta bulshada.

Guddida Wasiirada ah, ayaa la qaatay Haldoorkan isugu jira Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa dhammaan arimihii ay miiska keeneen, kuwaasoo ay ka mid tahay isu soo dhowaynta iyo ka wada shaqaynta xalinta khilaafka taagan, adkaynta nabadgelyada iyo ka wada shaqaynta midnimada bulshada.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories