Home“Somaliland Gorgortan Ma Galin Karo Qof Kasta oo Awood Lihi” Sheekh Aadan...

“Somaliland Gorgortan Ma Galin Karo Qof Kasta oo Awood Lihi” Sheekh Aadan Siiro

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa khudbadii jimce ee shalay wuxuu  qaar ka mid ah ganacstada ugu baaqay inaanay shilimaadka uu Alle siiyay ku kala qaybin bulshadooda.

 

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu sheegay inaan qofna gorgorton gelin karin qaddiyadda Somaliland, isagoo sheegay inaan qofna lagu ixtiraami karin inuu ka soo horjeesto qaddiyadda umadda. “Kii baystanayda haystay ayaa loo taag layahay oo dadkii qaybinaya oo dadkii rabshaya. Lacagta illaahay ku siiyay markaad doonto in dalkii dhamaa kooto lagaaga dhigo oo aad ku shaqaynayso, aniga haamaha i siiya, aniga dekedda I siiya aniga isgaadhsiinta ii xidha, islaamkuna wuu la dagaalamayw waxal a yidhaahdo Kootada.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Wuxuu Sheekh Aadan soo jeediyay in la ilaaliyo nabadgelyada uu Alle ku manaystay Somaliland taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalmba leh. “Markaynu aragno wax nabadgelyada waxyeelaya inagoo dhammaystiran waa  inaan nidhaahno wax soconaya oo dalka dhaqaya maaha.”

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aadan yidhi, “Somaliland gorgorton ma gelin karo qof kasta oo awood kasta leh ama magac kasta leh ama bulshada acyaanteeda ka mid ah nooc kasta ha ahaadee. Haddii intaan soo qaado calanka buluuga ah aan masaajidka taago oo la yidhaahdo odaygii masaajidku ee Aw Xirsi xornimadiisa ayuu leeyahay, saadambe uu Aw xirsi kale bakhaarkiisa ka taago calankii buluuga ahaa.”

Wuxuu sheekhu sheegay inaan qofna lagu ilaalin karin inuu qaddiyada umadda dhaawaco oo uu waxyeelo.

Gebo-gabadii Sheekhu waxaa uu khudbaddiisa kusoo khatimay baaq uu bulshada ugaga digayo in gooni isu taagga iyo madax banaannida Somaliland ay si sibiq ah meesha uga baxdo, isla markaana ay qarannimadu ku dhacdo haadaan afka ka qafilan oo Soomaali weyn hoosta ka qodayso. Si gaar ah waxaa uu Sheekhu fasiraad ka bixiyey cidhib-xumada uu Calanka buluuga ahi u horseedi karo Somaliland, isaga oo hadalkiisu  nuxur ahaan daba socday xiisaddii dhawaan mashquulisay ra’yul caamka bulshada ee ku saabsanayd tallaabadii ay fannaaniinta xidigaha geesku kaga degeen xamar ee soo noqoshadoodu xadhiga Sababtay “Haddaan calan buluug ah intaan soo qaado aan masaajidka ka taago maaha in la yidhaahdo wadaadkii Aw Xirsi ahaa ee masaajidku xornimadiisu leeyahay, oo Xirsi kale uu sahan-dembe bakhaarkiisa dhakadiisa ka taago calankii buluuga ahaa, ka warrama haddii kaasna la yidhaahdo xornimadiisa ayuu leeyahay?”. Sidaa ayuu Sheekhu yidhi, waxaana uu intaa ku daray “Waxaan idiin sheegayaa Buluuga madawi [Dark Blue] waxa uu yahay. Qur’aanka waxaa ku sugan oo Illaahay yidhi kuwa mujrimiinta ah maxaa qiyaamaha lagu yaqaannaa?, waxaa lagu yaqaannaa Mujrimiinta nin baa hor socda, ninkaasi calan buu sitaa, calankaasi waa Dark Blue. Taas kasokow bal waxaad baadhaan oo aad internet-ka ka raadisaan cidda ka barakaysata Midabka Buluugga madaw ah, waxaad eegtaan munaasibadaha iyo xafladaha ay yeeshaan Maraykanka iyo yuhuuddu. Calanka maraykanka iyo calanka Israa’iil waxaa ku jira dark Blue. Munaasibad kasta oo ay diin ku xusayaan ama muslimiinta ku leynayaan  waxaa ku jira midabkaas. Waayo taas waxaa la mid ah sida ay innoogu yidhaahdeen lambarka saddex iyo tobnaad [No. 13] waa lambarka nasiib darrada [Unlucky Number]. Markaad tiriso magacyada [ereyada], lambar saddex iyo toban waxa uu ku beegan yahay ereyga [M] oo ah magaca nebigeennii NNKH ereyga uu ka bilaabmo. Markaa walaalayaal aynu is ilaalino, allena aynu dembi dhaaf weydiisanno SW.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories