HomeSomaliland: Golaha Wasiirrada Soo Saaray Qodobbo Ku Wajahan Faro-gelinta Soomaaliya iyo Xeerar...

Somaliland: Golaha Wasiirrada Soo Saaray Qodobbo Ku Wajahan Faro-gelinta Soomaaliya iyo Xeerar la ansixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kal-fadhigii 21-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2018, waxa  lagaga dooday faro-gelinta ay Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxaana lagu ansixiyey xeerar muhiim ah.

Muuse Biixi SayliciKal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan.

  1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.
  2. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.
  3. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.
  4. Waxaanu u sheegaynaa Soomaaliya in Jamhuuriyadda Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.
Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland

Dhinaca kale shirkii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay fadhiyeen 27-wasiir, waxa lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah.

  1. Xeerka kaabista iyo wax-ka-beddelka, xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr-23), xeerkaas oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Garyaqaanka Guud ay iska kaashadeen diyaarintiisa, goluhuna wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyey, sidaasina goluhu ku ansixyey.
  2. Xeerka Hawl-gabka iyo xaq-siinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr xx/2018). Xeerkan oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah mid looga gol leeyahay in ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland helaan daryeel ciidannimo oo sharci ku qotoma, waxana golaha hor keentay wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, goluhuna waxa uu ku ansxiyey duuduub.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories