HomeSomaliland: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2021-ka iyo Meelaha Mudnaanta la...

Somaliland: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2021-ka iyo Meelaha Mudnaanta la siiyey

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen ku meel-mariyey Odoroska Sannad-miisaaniyadeedka 2021-ka oo golaha la horkeenay kulanka toddobaadlaha ah ee Khamiistii la soo dhaafay.

Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2021-ka oo boqolkiiba Saddex ka badan tii sannadkan 2020-ka, ayaa loo qorsheeyey in meelaha ugu badan ee ay ku bixi doonto ka mid yihiin adeegyada bulshada, sida Amniga, Caafimaadka, wax-soo-saarka, Waxbarashada, Cadaaladda iyo dhinacyada Doorashooyinka, Ictiraaf-raadinta iyo maamul-wanaagga.

blankWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Maxamuud Warsasame Jaamac, Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay.

Miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:

  • Dawladda dhexe
  • Dawladaha hoose
  • Hay’adaha madaxa-bannaan
  • SDF
  • World Bank
  • JPLG.

blankCaddadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020 ku dhawaad 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:

1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka

Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxa madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories