HomeSomaliland: Go'aamo laga soo saaray Xaaladda Covid-19, Abaaraha, Doorashooyinka iyo Xuska 18...

Somaliland: Go’aamo laga soo saaray Xaaladda Covid-19, Abaaraha, Doorashooyinka iyo Xuska 18 May

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa lagaga dooday heerka uu xannuunka Covid-19 ka marayo dalka, xaaladda Abaar baahsan oo ka jirta gobollada dalka, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Dhammaadka bisha May ee Sannadkan.

Shirka oo ku qabsoomay qaab online ah waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi-hoosaadyada Golaha Wasiirrada ee loo xil-saaray Xaaladaha Xannuunka Covid-19, Abaaraha ka jira dalka iyo siyaasadda Arrimaha Dibadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

blankWar-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 73aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta. Iyadoo goluhuna meel cad iska taagay arrinta doorashooyinka inagu soo foolka leh.

Ugu horrey, Goluhu waxa uu u duceeyey intii ku dhimatay Xanuunka Covid 19, inta xannuunku hayana in Alle caafimaad taama siiyo, kana kiciyo.

Waxaanu Goluhu war-bixin ka dhagaystay labada guddi-hoosaad ee golaha wasiirrada ee kala ah guddida abaaraha iyo guddida Covid 19, waxaana la isla gartay in dhibaatooyinka Covid 19, abaarta iyo biyo yaraanta lagaga bixi karo midnimo, wada-jir iyo baryada Eebbe. Waxaanay labada guddi uga warbixiyeen sidan:-

  1.  War-Bixinta Guddida Abaaraha
  • In Xukuumaddu 16-kii (lix iyo toban) maalmood ee u dembeeyey ay biyo dhan 6,650 Foosto gaadhsiisey 133 Tuulo (boqol iyo saddex iyo soddon) oo ku kala yaalla Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar iyo Maroodi-jeex, kharashka ku baxayna uu dhan yahay Toddoba iyo afartan kun oo doollar ($47,000).
  • Si loo helo biyo, loogana baxo biyo yaraanta xukuumaddu waxay dayactirtay ceelal ku kala yaalla Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex, Buuhoodle, Daad-madheedh iyo Gabiley, kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan saddex iyo toddobaatan kun toddoba boqol afar iyo soddon kun oo dollar ($73,734).

2.  War-Bixinta Guddida Covid 19

  • In dadka Somaliland illaa hadda ay tallaalkii Covid 19 qaateen 17,000 (Toddoba iyo toban Kun) oo qof.
  • In Axadda shir qaran la qaban-doono oo ay qayb ka noqon doonaan ganacsatada dalku, kaas oo lagu gorfaynayo habkii loo heli lahaa awood dhaqaale oo lagu soo iibiyo tallaal, maaddaama tallaalka hadda yaallaa ku filnayn bulshada Somaliland, intaa ka dibna loo hawlgalo sidii tallaal dalka loo keeni lahaa.
  • In qaar ka mid ah saaxiibbada Somaliland oo balanqaaday deeq tallaal ahi ay keeni doonaan dalka.

Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso, goluhu waxa uu go’aamiyey in la hakiyo abaabulkii diyaargarawga iyo isu soo bixii 30 guuradii 18 May 2021, isla markaana Dhaqaalihii ku baxayey xuska 18 May lagu xoojiyo kharashkii lagaga hawl-galayey abaaraha iyo Covid 19.

3.  Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, ahna wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, oo golaha siiyey war-bixin ku saabsan hirdanka siyaadda geeska iyo tan caalamkaba, war-bixintaas ka dib, goluhu waxa uu go’aamiyey in Somaliland siyaasad ahaan ay waddo nabad-gelyo iyo daneheeda ka raacdo siyaasadaas, isla markaana ku dedaasho in ay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrimaha geeska iyo kan caalamkaba.

4.  Ugu danbayn goluhu waxa uu go’aamiyey in aan doorashada hakad loo gelin-doonin abaaraha iyo xannuunka Covid 19 awgood, doorashaduna ku qabsoomi doonto wakhtigeedii, hase yeeshee la dardar-gelin doono dedaalka iyo hawlgalka abaaraha iyo Covid 19.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories