HomeSomaliland: Go'aamo laga soo saaray Gaadiidka Bidixda ku leh Shookaanta iyo Soo-dejinta...

Somaliland: Go’aamo laga soo saaray Gaadiidka Bidixda ku leh Shookaanta iyo Soo-dejinta Vitz-ta

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhigooda todobaadlaha ah maanta kaga dooday gaadiidka Shookaanta dhinaca bidix ku leh iyo soo-dejinta Gaadiidka Yaryar ee Vitz oo ka mid ah Gaadiidka u adeega Dadweynaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu faah-faahiyey go’aamo ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo u qabsoomay qaabka Online ah.

blankWar-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 66aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa warbixin lagaga dhigeystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, iyadoo goluhuna dood iyo falan-qayn dheer ka dib uu go’aamo ka gaadhay gaadiidka gurran ee dalka laga istcimaalo.

Ugu horayn waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu xusay in xaalada guud ee dalku tahay mid nabadgelyo ah, wuxuuna amaan iyo bogaadin u soo jeediyey ciidamada kala duwan ee heeganka u ah arrimaha nabadgelyo dalka.

Goluhu wuxuu ka dooday wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo wado marista Somaliland, Xeer Lr.56/2013, xeerkan oo ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee qaranku leeyahay, waxyaalaha muhiimka ah ee uu ka hadlayana ay ka mid ahayeen:- Nidaamka maamulka gaadiidka iyo diwaangelintooda.

  • Noocyada kala duwan ee gaadiidka.
  • Ruqsada wadida gaadiidka.
  • Nidaamka waddo marista iyo haadadka iyo
  • Badbaadada gaadiidka iyo hanaanka badqabka gaadiidka.

Xeerkaas oo ay fulintiisa qayb muhiima ka yihiin hay’addo badan oo xukuumadda ah.

Dhinaca kale guddi hore goluhu ugu xilsaaray ka soo tallo bixinta gaadiidka gurran ee dalka laga isticmaalo ayaa golaha la wadaagay warbixin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa gaadiidka gurran ee dalka laga isticmaalo iyo gaadiidka yaryar ee aan manfaca badan u lahayn bulshada, iyagoo xusay in tobankii bilood ee u danbeeyey sannadkan 2020 ay dalka soo galeen in ka badan 8,628 gaadhi oo badankoodu ay yihiin baabuurta aan manfaca muhiimka u lahayn bulshada.

Haddaba, Dood iyo falan-qayn dheer ka dib goluhu wuxuu go’aamiyey in aan gebi ahaanba lasoo dejin karin gaadiidka gurran ee isteerinka ku leh dhinaca midigta, si la isu waafajiyo gaadiidka dalka laga isticmaalo iyo haadka saxda ah ee dalka. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in la joojiyo gaadiidka aan manfaca u lahayn bulshada gaar ahaan gaadiidka yaryar ee Vitz. goluhu wuxuu wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka u xilsaaray hirgelinta go’aamadaas.

Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci oo ay golaha hor keentay wasaaradda Cadaaladda, xeerkan oo muhiimad siinaya dadka danyarta.

Ugu danbayn golaha wasiirradu wuxuu hambalyeeyey habsami u socodka koobka gobolada Somaliland ee ka socda Caasimada Somaliland ee Hargeysa.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories