HomeSomaliland: Ganacsatada dalka iyo Guddiga Covid-19 oo Shiray iyo Codsi xukuumaddu u...

Somaliland: Ganacsatada dalka iyo Guddiga Covid-19 oo Shiray iyo Codsi xukuumaddu u gudbisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga heer Qaran ee Xakamaynta caabuqa Coronavirus, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Somaliland, waxaanay ka wada-hadleen sidii ay dhinacooda uga qayb-qaadaan lahaayeen ololaha ka hortagga cudurka Covid-19 oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo miisaanadda xukuumadda.

blankMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga ka-hortagga Coronavirus oo ay weheliyaan Wasiirrada xukuumadda ee xubnaha ka ah Guddiga, waxa ay maanta madaxtooyada Somaliland kulan kula qaateen ganacsatada dalka oo ay u soo bandhigeen qodobbo la xidhiidha saamaynta caabuqa Coronavirus.

Arrimaha ay guddigu u soo bandhigeen ganacsatada ayaa waxa ugu muhiimsan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sanduuq gaar ah oo xukuumaddu u samaysay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, kaas oo sida madaxweynaha Somaliland oo shalay hadlay sheegay ay xukuumaddu sanduuqaas ugu talo-gashay inay ku shubto adduun lacageed oo dhan Saddex Milyan oo Dollar.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirrada Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Maaliyada Dr Sacad Cali Shire, Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey saamaynta uu xannuunka Covid-19 ku yeeshay dhaqaalaha, ganacsiga iyo caafimaadka dalka, waxaanay ganacsatada ku booriyeen sidii ay doorkooda uga qayb-qaadaan lahaayeen sidii loo dabooli lahaa baahida isbeddel ee xannuunku sababay.

Masuuliyiinta xukuumadda waxa ay ganacsatada u faahfaahiyeen ujeeddada kulanka ay isugu yeedheen oo ku saabsan saddex qodob oo kala xog-waraysi, wada-tashi iyo Codsi xukuumaddu kaga dalbatay inay ganacsaadu ka qayb-qaataan ololaha lagula tacaalayo Caabuqa Coronavirus oo tirada dadka la xaqiijiyey ee laga helay marayso 6 qof oo ku kala nool gobollada Somaliland.

Dhinacooda, ganacsatada kulanka ka qayb-galay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhibaatada ka dhalatay samaynta uu xannuunkani keenay, waxaanay talooyin u jeediyeen Guddiga xakamaynta iyo la-dagaalanka cudurka Covid-19.

Hadallada masuuliyiinta Xukuumadda iyo Ganactada ee kulanka ka hadlay, waxaanu idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan muuqaallada hoose

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka jeediyey kulanka Kulanka

 

Hadallada Wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda iyo Caafimaadku ka jeediyeen Kulanka

 

Weedhaha ay yidhaahdeen Guddoomiyaha Rugtida Ganacsiga iyo Ganacsatada kulanka ka qayb-gashay

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyey ee Guddiga heer Qaran ee Covid-19 la qaataan Ganacsatada dalka, marka laga reebo kulan dhawaan guddigu la qaataday Ganacstada Qaadka oo ay ka wada-arrinsadeen sidii loo joojin lahaa Qaadka laga keeno dalka Ethiopia oo ka qayb-qaadan kara inuu cudurku ku faafo dalka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories