HomeSomaliland: Ganacsade Mar kale bulshadiisa ka fayday Dhibaato haysatay

Somaliland: Ganacsade Mar kale bulshadiisa ka fayday Dhibaato haysatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qalinka: Maxamuud Jaamac (Xuuto)

Dunida aynu ku nool nahay dal walba ilaahay wuxuy dhigay khayraad uu ugu talogalay inay ku noolaadaan si ay uga baxaan baahi isla markaanna ugu gudbiyaan dalalka kale si ay dhaqaale uga helaan.

Somaliland waa dal ilaahay dhigay nooc kasta ok khayraad ah, sidaasi oo ay tahay hadanna waa dalka kaliya ee 99% waxa dalkiisu dhoofin lahaa la soo dega, isla markaanna uu kaga baxo dhaqaale aan la qiyaasi karin.

Waa masiibo aan dunida inteeda badanni la qabin in ay ku nool yihiin dad gacmaha dib u laabtay oo aan ka faa’iidaysan deeqda eebbe koreeye siiyay si ay uga baxaan baahida ay qaybaha bulshadu la tiicayso ee sababay xattaa inay ka qatan yihiin beerihii, biyihii, xoolihii, macdantii, dalxiiskii, sibidhkii, dekeddii oo dhamaantood isku qoofalan.

Waxa nasiib darro ah inaanay wali helin dawladd iska xil saarta sidii ay ugu qorshayn lahayd dadkeedda inay ka faa’iidaystaan nimcooyinkaasi, taasoo haddii maalin uun la heli lahaa hogaamiye u fikira loo soo haajiri lahaa halka ay imika dadkiisu ka qaxayaan, inta ku noolinna ay walaahow iyo baahi beerka dhulka ku hayso.

Somaliland xataa waxay la’dahay dawlad adeeg wanaagsan iyo nidaam sharci ku hagta inta dadaalaysa ee doonaysa inay qayb ka qaataan wax ka qabashada baahiyaha bulsheeed ee dhinac walba ka weeteeyay dadweynaha xariirta ah ee u hogaansan madaxda sida maatida inay masruufsato mooyee aan macno kale keenin.

Burburkii somaliya kadib somaliland waxa marxaladdo kala duwan kala soo dabaashay ganacsato kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xoogsadde oo taban taabiyey xiligii qaxootiga ee xeryaha itoobiya daaduunka ka dhashay dagaaladdii loo tagay.

Ibraahim Dheere, waxa uu dib ula soo noqoshadii Somaliland u taagay dhidibada isagoo dhaqaalihiisii seeska ugu dhigay inuu bulshada reer Somaliland damaanad uga dhigo dunida sidii ay u noqon lahaayeen Qaran jira.

Xilligan casriga ah Somaliland iyadoo go’doon kaga jirta dunidan xuubka caarro ku xidhiidha(fibre optic) internetka xawaarihiisu dheereeyo waxa u kacay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi oo doorkiisa shariifka ah ka qaatay, isla markaanna u huray innuu bad iyo barriba xadhigaa usoo jiiddo si ay Somaliland hormood uga noqoto horumarka ka hanaqaaday dunida casriga oo xadhigiisa la’aantii ay Somaliland libdhi lahayd.

Bushaaradda wershada Sibidhka ee ganacsade Maxamed Aw Siciid mar kale ku baaqay innuu dalkiisa ka hirgalin doonnaa waxay uga dhigan tahay innuu ka dul qaadayo masiibo ku habsatay dalkan iyo dadkiisa oo ka qatannaa muddo soddon sanno ah in uu la soo baxo Sibidhka dunida ugu wanaagsana, kaasoo ay kaga bixi jirtay malaayiin dollar oo ay dunida kaga soo iibsan jireen sibidh tayo ahaan aad uga hooseeya.

Talaabadda Maxamed Aw Siciid mar kale ummaddiisa uga deeqayaa waa mid gobol iyo degmo kasta oo Somaliland ay dareemaysay, isla markaanna hor taagnaa dubu dhiska dalka ka socda.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid, wuxuu maanta ka jawaabay su’aal gabadh wariye ahi I waydiisay markaan ahaa guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, taasoo ay ugu dhabbo galaysay laba sababood oo midkood ahayd tan uu maanta Maxamed Aw Siciid sida geesinimadda leh ugu jawaabay ee ah waxa ka hor taagan Somaliland inay Sibidhka la soo baxdo maadaama ay tahay dalka kaliya ee dunida leh dhamaan agabka laha sameeyo sibidhka isla markaanna ay u dheer tahay dhamaan adeegyaddii kharashka faraha badan kaga bixi lahaa.

Iyo ta kale oo ahayd wax soo saarka beeraha oo ay daraasad ka samaynaysay maadaama ay Somaliland leedahay dhul ku haboon wax beerista, taasoo u muuqata inaanay wali helin ganacsato/ganacsade ku dhiiriadda in uu maalgasahado.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories