HomeSOMALILAND: Ganacsade ka Taajiray 15-Dollar! - WARBIXIN

SOMALILAND: Ganacsade ka Taajiray 15-Dollar! – WARBIXIN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guusha Qofka bani’aadamku kaga midho-dhaliyo hankiisa nololeed waxay ku xidhan tahay bartilmaameedka uu hiigsanayo iyo dedaallo ku tiirsan odoroska iyo dib-u-milicsiga waayo-aragnimada laga kasbaday ged-geddoonka wakhtiga. Haseyeeshee, tallaabo kasta oo horumar lagu hiisanayo kama madhna caqabado kacaa-kuf xambaarsan oo haddana u baahan in loo badheedho xal kasta oo daawo u noqon kara caqadaha ka hor-yimaadda.

DSCF0413Waa ganacsade wakhtigan iska leh mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka ganacsada iibinta qalabka Qurxinta Guryaha iyo Xafiisyada, kaas oo ka soo unkamay meherad lagu bilaabay 15 Dollar oo uu labaatan sanno horteed ka bilaabay magaalada Hargeysa, kaas oo jaran-jarrooyin iyo marxalado kala duwan ku soo gaadhsiiyey heerka uu maanta taagan yahay oo weli aanu ku qanacsanayn, balse uu hiigsanayo derejo ka sarreysa halka uu xilligan marayo oo lagu tilmaami karo dabaqadaha Ganacsiga ee heerkoodu dhex-dhexaadka yahay.

Maxamed Saleebaan Faarax waxa uu sannadkii 1994-kii ganacsigiisa ku bilaabay tanag Timir ah oo la dul-saaray miis iyo dallaayaad uu ka qotomiyey meel dhinaca ku haysa jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa midkood oo ku dhex yaala goob suuq ah oo noocyada ganacsi ee kala duwan ka socdo. Waxa ay ahayd wakhti nolosha dadka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay la ciir-ciiraysa ged-geddoonka sicirka maceeshadda, lacagaha qalaad iyo deggenaansho la’aan dhinaca ammaanka ah oo jiray awgeed oo caqabado khatar gelin gaadhay bilowga meheraddiisa.

“Markii aan iibsanayey tanagga timirta ah waxa layga siiyey 21-dollar oo weliba aan badh amaahday, xilligaasina wakhti dadku ka laabteen colaado iyo maceeshadda oo qaalli ah bay ahayd, lacagaha qalaad sarrifkooduna muu fadhiyin, taasina waxoogaa way na saamaysay oo dadkuun baan la mid ahaa,” sidaa waxa yidhi Maxamed oo ka warramayey bilowgii ganacsigiisa.

In kasta oo ay adag tahay in la sifeeya marxalado kala geddisan ee heerarka ganacsigiisu soo maray iyo duruufo qallafsan, haddana waxa uu Maxamed sharraxayaa asbaabo uu aamisan yahay inay horseed noqdeen ka-midho-dhalinta ganacsigiisa uu ka bilaabay 15-ka Dollar.

“Waxyaabaha i caawiyey waxa ka mid ahaa aniga oo bilaa balwad ah, waxa yar ee isoo gala waxay ahaayeen wax ii soo kordhaya, marka laga reebo cuntadayda. Haddii aan maalintii ku qayili lahaa ilaa Shan Dollar, waxay noqon lahayd inaan Miiska yar waxa saaran ba aan dhowr cisho ka soo baxo, waayo maalintii waxa isoo geli jiray Hal iyio Badh ama laba dollar oo ah intii aan ka macaashayey tanagga maalintii.”

“Waxa kale oo ii sahlay, qofku marka uu dhalinyarada yahay xooggiisu wuu dihin yahay aadna waan u shaqayn jiray oo intaan nasto waabay iska yarayd. Xagga fahamka iyo aaminka bani’aadamka aanu wada-shaqaynayay iga qabeen oo cid kastaaba aamintay shaqada iyo qaabka aan u shaqaynayey,” ayuu yidhi Maxamed.

Ganacsiga Maxamed waxa uu galay marxalad uu badeecado kale ku soo biirayo miiskii uu tanagga timirta ah ku bilaabay, taasina waxa ay u saamaxday saddex bilood ka dib inuu ka diga-rogto nooca ganacsigii uu ku tanaaday, isaga oo wakhtigan waajahaya jiho cusub oo ganacsi balse aanu waayo-aragnimadeeda wax badan ka aqoon, marka laga reebo muddadii uu Miiska timirta ku dul iibinayey oo wax badan uu ka korodhsaday meherado ka ganacsada oo wejahaddooda hore uu ka deggenaa, laguna iibin jiray alaabada uu wakhtigan u wareegay iibintooda.

“Muddo bil iyo badh ah ayaan timirta oo kaliya ka ganacsanayey oo waxay noqotay inay lacagtaydii saddex-laab korodho, dabadeed waxaan ku soo kordhiyey Lows iyo Cananis la xidh-xidho oo xilli Ramadan ayaa la soo galay. Taasina waxay igu qaadatay bil iyo badh. Ka dib markii ganacsigaygii kordhay, waxaan u leexday dhinaca bacadlaha, oo waxaan sameeyey Meherad lagu iibiyo kabaha carruurta iyo dumarka danyarta ahi xidhaan,” ayuu yidhi Maxamed oo sharraxaya horumarika uu ganacsigiisu sameeyey, waxaanu caddeeyey inaanay jirin lacag meel kale uga timi balse isaga oo waayo-aragnimadiisa iyo maamulka uu meheraddiisa u jeediyey ka faa’idaysanaya uu ururiyey faa’idada ka soo galaysay meheraddiisaas uu ku kala beddelay Timirta, Lawska, Cananiska marka dambe isu beddelay Kabaha Carruurta iyo Dumarka, waxaanu markii dambe ku soo daray meherad lagu iibiyo daah-yada Guryaha oo ahayd markii u horeysay ee uu madaxa la galay Nooca Ganacsiga uu maanta ku gudo-jiro oo ku kooban qalabka Qurxinta Guriga iyo Qalabaynta Xafiisyada.

Haatan waa ganacsade astaanta iyo magaca meheraddiisa si weyn looga yaqaano Dhulka Soomaalidu degto, isbeddel la taaban karo oo tartan ganacsi oo xor ah horseedayna ku abuuray suuqa iyo noocyada badeedaha meheraddiisu iibiso oo qaybo badan oo ka mid ah dalka dibaddiisa laga keeno, halka qaarkoodna lagu farsameeyo dalka gudihiisa, balse hana-qaadkiisu soo if-baxay tobankii sanno ee u dambeeyey.

DSCF0411Waa Mulkiilaha iyo Guddoomiyaha Shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee ALXAYAAD oo ku yaala Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargeysa. ALXAYAAD waa shirkad dalka dibaddiisa gaar ahaan Shiinaha iyo Turkiga ka keenta Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada, waxaanu suuqeeda ganacsi ku xidhan yahay magaalooyinka waaweyn ee mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Jibouti iyo Itoobiya marka laga reebo gudaha Somaliland oo aad looga yaqaano. Waxa ka hawl-gala ilaa labaataneeyo qof oo qaarkood si ku-meel gaadh ah ugu shaqeeyaan, halka qaar kalena ay yihiin shaqaale joogto ah.

Maxamed Wakhtigan waxa uu xaddigiisa maaliyadeed noogu qiyaasay Adduun gaadhaya dhowr milyan oo Dollar oo uu ka abuuray 15-kii Dollar ee uu ku bilaabay tanagga Timirta ah, isaga oo sheegay inaanay jirin cid kale oo dhaqaale ku taageertay.

“May jirin meel kale oo wax iga soo galayeen, hadday tahay qaraabo, axsaab, hay’ad ama cid kale, oo aan ahayn taas aan waday oo aad u socotay xilligaas Illaahayna Barakeeyey, oo la jaan-qaadaysay koboca dhaqaalaha dalka,” ayuu yidhi.

Waxa uu soo jeediyey talooyin ay ku habboon tahay in lagu dabbaqo hirgelinta ganacsi guulaysta. “Waxaan ku boorinayaa cid kasta oo ganacsi samaynaysa, marka hore ganacsigu waxa uu u baahan yahay fur-furnaan iyo inaad isu miisaanto dakhligaaga iyo kharashkaaga,” ayuu yidhi.

Sooyaalka isbeddel iyo jarran-jarooyinka ganacsigiisu soo maray waxa ay tusaale iyo hiigsi nololeed u tahay dhalinyaro badan oo ganacsi iska leh wakhtigan ama ku taamaya inay yagleelaan ganacsi cusub, balse waxa uu si gaar ah iftiimin togan uga bixinayaa horumarkiisu marxaladaha kala duwan ee heerarka nolosha iyo isbeddelka wakthigu xambaarsan yihiin.

F.G:

 
UJEEDDADA UGU WEYN ee WARBIXIN aanu bulshada ugu soo bandhignay ayaa ah dhiirri-gelinta ganacsatada yar-yar iyo dhalinyarada damacsan inay abuuraan ganacsi si ay uga midho-dhaliyaan yooka ay hiigsanayaan, una kasbadaan guulaha waayo-aragnimada xambaarsan ee ay uga horreeyeen shirkadaha iyo shakhsiyaadka guulaha ka gaadhay ganacsigooda.

 

SOMALILANDPOST.NET

Khadar Iid Kaariye

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories