HomeSomaliland: Fulin la’aanta xukuumadda ee Dacwadaha Maxkamaduhu Qaraarrada ka soo saaraan oo...

Somaliland: Fulin la’aanta xukuumadda ee Dacwadaha Maxkamaduhu Qaraarrada ka soo saaraan oo dhibaato ku noqday Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Maxkamadda-Sare-ee-SomalilandHargeysa (SLpost)- Dhibaatadii ugu weynayd ee Somaliland soo food saarta dhinaca Cadaaladda ayaa ka taagan Dacwadaha ka soo dhamaaday darajooyinka Maxkamadaha oo ay xukuumaddu fulin kari la’dahay, iyadoo dadkii dhibanayaasha ahaa dhexda farta uga qaniinsan yihiin geedi dheeraa iyo jaran jaradii ay u mareen in ay ku helaan nidaam sharci ah xuquuqaha ka maqan oo dastuurku damaanad qaaday in ay helaan.

Sadexdii sano iyo bilaha ay Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo ay talada haysay, ma jirto Dacwad la fuliyey oo ka soo dhamaatay Maxkamadaha gaar ahaan kuwa muhiim ah ee Hantida Ma guurtada ah, waxaana ka taagan mushkiladii ugu adkayd ee soo food saarta bulshada Somaliland, iyadoo kumanaan kun oo Fayl oo fulin ah lagu soo waramayo in lagu tuuray qasnada Wasaaradda Arrimaha gudaha. Dhacdooyinka ugu daran ee ka taagan fulin la’aanta Dacwadaha ka soo dhamaaday Maxkamadaha waxa ka mid ah Dacwad fulin Xoog ah oo ay dhawaan Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex soo saartay taasoo ah Dhul ku yaala Xarunta Taliska Booliiska Hargeysa agtiisa oo loo xukumay Dayr Aw Faarax Maxamuud oo ka mid ah muwaadiniinta Reer Somaliland ee xaqooda u maray Nidaamka Sharciga ah balse fulin la’aan darted Hantidiisii ku la’.

Go’aanka Fulinta Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeed oo Sumadeedu tahay GGDH/MJ/11-13/G-92/2013 iyo xukunka maxkamadda sare ee sumadiisu tahay MS/1-/22/013 ee lagu xukumay dhulka Cabirkiisu yahay 48×72 ee uu soo saaray Garsoore Jamaal Xuseen Axmed isla markaana lagu Amrayey Taliyaha Qaybta Booliiska Galbeedka Hargeysa ayaa ka mid ah Dacwadaha dhamaaday ee u fuli la’ jileeca iyo maamul xumada Xukuumadda.

Dacwadan Fulinta ah oo ka mid ah Dacwadaha Kumanaanka ah ee horyaala Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xukuumadda talada haysa ayaa noqonaya kuwo dhaawac ku keenay rajadii Ummada iyadoo xukuumaddu maalin walba ku faanto in ay Cadaaladda wax ka qabatay halka Dadweynihiina la hagoogan yihiin raja xumada ka haysata fulin la’aanteeda.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa Golaha wakiiladda kaga hor qudbadeeyey in aanay fulinayn Dacwadaha soo dhamaaday isagoo tusaale u soo qaatay dhacdo Wasiirkii ka horeeyey kala kulantay fulin uu sameeyey, sidoo kale Wasiir Warancade ayaa dariiqaas oo kale qaaday, iyada oo aan illaa hada la garanayn haddii ay wasiiradii ka baqeen sababta uu Madaxweyne Siilaanyo ugu samayn la’yahay qorshe cad oo Xukuumaddu ka yeelato.

Si kasta ha ahaatee fulin la’aanta ka taagan Dacwadaha ka soo dhamaaday maxkamadaha ayaan ku koobnayn oo kali ah kuwa Hantida ah, balse kuwa dhiiga ah ee ka dhashay Dilalka Bulshadu kala gasho ayaa iyana Jeelasha u buuxiyey jileeca Xukuumadda oo aan wali laga arag Kiis kali oo ah oo ay fulisay iyadoo ay ku dulman yihiin labada dhinac ee arrintaasi khusayso.

COURTESY: Waaheen

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories