HomeSomaliland: Fadhiidnimo soo foodsaartay Rugta Ganacsiga iyo Hawlihii ay qaabbilsanayd oo lala...

Somaliland: Fadhiidnimo soo foodsaartay Rugta Ganacsiga iyo Hawlihii ay qaabbilsanayd oo lala wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Fadhiidnimo baahsan ayaa soo food-saartay Rugta Ganacsiga Somaliland, kadib markii ay si toos ah u gabtay badiba hawlihii ay qaranka u qaabilsanayd iyada oo qaybo ka mid ah hawlahaasna sababo aan la garanayn ugu wareejisay hay’ado kale oo aan dastuuri ahayn.
Rugta Ganacsiga Somaliland oo ah hay’ad qaabbilsan horumarinta iyo isku-xidhka ganacsatada, samaynta xidhiidhada caalamiga ah ee ganacsatada dalka iyo maalgashadeyaasha debedda, soo saarista diiwaan sannadle ah oo laga heli karo xogaha ganacsiga ee dalka, soo-saarista ruqsadaha ganacsiga, wax-dhoofinta iyo soo-dejinta iyo qabashada carwooyin ganacsi oo dalka ka hirgela, ayaa wakhtigan maraysa xaaladdii ugu xumayd, kaddib markii ay gudan kari weyday badiba hawlqabadyadaas.
Sannadkii 2011-kii ayay Rugta Ganacsiga Somaliland gebi ahaanba wareejisay hawlihii carwooyinka ganacsiga ee dalka, iyada oo ay hawshaas si aan sharciga waafaqsanayn ula wareegeen dhalinayaro iskood isku xilqaamay, kuwaas oo lacago xad-dhaaf ah ka urursaday ganacsatada dalka qaarkood.
Dhalinyaradan oo isku magacawday AOA ayaa waxay sidoo kale shahaadooyin ay ku qiimeynayaan waxqabadka iyo wax-ku-oolnimada ganacsatada waxay ku bixiyeen goobihii ay carwooyinkaas ganacsigu ka qabsoomeen sannadihii 2011 iyo 2012, taas oo u muuqata inay si toos ah ula wareegeen shaqooyinkii rugta Ganacsigu dalka u haysay.
Rugta Ganacsiga Somaliland ayaan wax dareen ah oo ay arrintan kaga gilgilanayso muujinnin, waxaanay masuuliyiinta hay’addani ka mid ahaayeen martisharafta carwooyinkan, iyaga oo weliba la guddoonsiiyay shahaadooyinkii ay ahayd inay iyagu bixiyaan.
Lama garanayo waxa ay Rugta ganacsigu ku beddelatay shaqadeeda, iyada oo ilaha qaarna ay tibaaxayaan inuu jiro xidhiidh hoose oo madmadaw badani hadheeyay, kaas oo u dhexeeya madaxda rugta Ganacsiga iyo dhalinyarada Carwooyinka lacagaha ku gurta.
Rugta Ganacsiga ayaa waxay sidoo kale gudan kari weyday isku-xidhkii ganacsatada dalka iyo kuwa shisheeyaha, iyada oo intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay aanay wax hawlqabad ah ka muujinnin dhinacyadaas.
Sidoo kale diiwaanka xogaha ganacsiga ee dalka oo sannadkiiba mar soo bixi jiray ayaa waxa isagana soo-saaristiisii ugu dambaysay sannaddii 2008-da, wakhtigaas oo rugta Guddoomiye ka ahaa Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.
Si kastaba ha ahaatee, Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa tan iyo dhalashadii Xukuumadda Siilaanyo waxa soo food-saaray fadhiidnimo hor leh, iyada oo xil-gudasho la’aanteeduna sababtay in lacago aan sharci ahayn laga furto ganacsatadii ay ahayd inay xuquuqdooda ilaaliyaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories