HomeSomaliland: Dufcaddii 3aad ee Ardayda Barnaamijka Shaqo Qaran oo Qalin-jibiyey iyo Madaxweyne...

Somaliland: Dufcaddii 3aad ee Ardayda Barnaamijka Shaqo Qaran oo Qalin-jibiyey iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo kala Qayb-galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca Woqooyi-bari kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn halkaas salaam kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka, waxana uu indho indheeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay halkaas ku soo bandhigeen dufcada maanta qalinjebisay.

blank
default

Ugu horrayn agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka) oo munaasibadda furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay kulliyaddu soo martay, waxana uu tilmaamay inay maamul ahaan iyo qaran ahaanba loo hagar baxay dhallinyarada maanta qalinjebinaysa, islamarkaana ay kalsooni badan ku qabaan in midhahaasi ay qaranka anfici doonaan.

blankMaayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Aadan Digaale oo kamid ah dufcaddii labaad ee Ardayda Shaqo Qaran oo halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa ka sheekeeyey casharradii dhaxalgalka ahaa ee uu ka bartay kulliyadda iyo sida ay qaybta uga qaadatay horumarkiisa, waxana uu sheegay inuu tusaale nool u yahay inay dhallinyarada Shaqo Qaran mustaqbal ifaya leeyihiin.

blankTaliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Hargeysa, Prof. Maxamed Yuusuf oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhallinyaro aqoonyahanno ah oo waddaniyad iyo xirfado ku hubaysani markii saddexaad ka aflaxaan Barnaamijka Shaqo Qaran oo foolaad u ah himilooyinkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Maxamed Cali Bille oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey da’yarta maanta ka Aflaxday kulliyadda carbiska ee Dararweyne, waxana ay kula dardaarmeen inay weeleeyaan duruusta waddaniyaddu ugu weynayd ee la baray muddadii ay halkaas ku jireen, dadkooda iyo dalkoodana uga faa’iideeyaan.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey, soona xidhay dufcadii saddexaad ee Shaqo qaran oo maanta ka qalinjebisay kulliyadda Shaqo Qaran, waxana uu kula dardaarmay inay wanaagga u hiiliyaan, kana hortagaan wax kasta oo dalkooda iyo dadkoodaba wax yeelaya, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa shaqo qaran, agaasimahooda iyo intii tababartay, Ardayda maanta qalinjebinaysa hambalyo, dardaarankeennu waa wixii wanaag ah oo aad u hiilisaan, wixii xumaan ah oo aad ka hortagtaan iyo dalkiinna oo aad u hiilisaan.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories