HomeSomaliland: Dufcaddii 33aad oo ka qalin-jabisay Dugsiga Tabobarka Ciidanka Booliska ee LIXLE

Somaliland: Dufcaddii 33aad oo ka qalin-jabisay Dugsiga Tabobarka Ciidanka Booliska ee LIXLE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar ugu soo xidhay in ka badan 700 (Todoba boqol) oo Ciidanka Booliska ah oo Dugsiga tababarka Lixle ee Mandheera maanta ka soo baxay.

Munaasibad ay ku qalin-jebinayeen dufcadani oo ahayd dufcadii 33 ee ka aflaxday dugsiga tababarada ee lixle ee degmada Mandheera waxaana Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb-galay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska, Illaaladda Xeebaha Asluubta iyo Laanta Socdaalka.

blankTaliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Dufcadani tahay dhalinyaro aqoon-yahanno ah si wanaagsana u bartay sharciga waxaanu yidhi “Dufcadani waa dhalinyar aan wax balwad ah lahayn, kooda ugu yari waa ka dugsi sare ka qalin-jebiyay waa mutacalimiin garanaya waajibaadka dalkooda iyo dadkooda waana ku hambalyaynayaa inay inoo soo baxeen”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradani aqoon-yahanka ah ee maanta kusoo biirtay Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “Maanta waxa la idin baray aqoon-buuxda waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad dul-qaad muujisaan booliska waa la maagaa oo waa la caayaa waayo tuugtii aad soo xidheen ayaa idin caayaya iyo kii falalka dambi ku jiray dulqaadkeeda lahaada oo aqoonta sii kordhiya “.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamadan cusub ee maanta tababarka loo soo xidhay waxaanu ku adkeeyay inay la yimaadaan cadaalad iyo raacista sharcigii lasoo baray waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku baahi weyn ayuu u qabaa dhalinyaradan oo kale maadama lodkii hore ay shaqada ka fadhiisanayaan idinkaa xilka la wareegaya waxa laydinka baahan yahay inaad ilaalisaan midnimada iyo wadajirka dalka, waxa laydinka baahan yahay in qofka dambiilaha ah aydaan u eegin xigto iyo qaraabo dadkeena mushkilada haysaa waa taas, inaad wax ka qabataan ayaa laydinka rabaa”.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories