HomeSomaliland: Dufcaddii 14aad ee Ka Bogsaday Xannuunada Dhimirka oo ka Qalin-jabiyey Xirfado...

Somaliland: Dufcaddii 14aad ee Ka Bogsaday Xannuunada Dhimirka oo ka Qalin-jabiyey Xirfado lagu Baray Sahan Mental Hospital

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore halkaa loo geeyay.

Dufcaddii 14-aad ee inta ay bogsadeen la baray Xirfadahaas ayaa toddobaadkan Xaflad Qalin-jebin ah waxa loogu qabtay isla gudaha Cisbitaalka SAHAN oo ay muddo ku jireen.
Munaasibadda Qalin-jebinta ah, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Aqoonyahan, Culimo-u-diin Madax-dhaqameed, Waalidiinta Ardayda Qalin-jabisay iyo Marti-sharaf kale.

Agaasimaha xarunta Sahan Keyse Xasan Cumar oo ugu horeyn furay munaasibadda, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay, isagoo dar-daaran ku sagootiyey Ardayda markii ay xannuunka dhimirka ka bogsadeen dhammaysatay xirfadaha kala duwan.

Guddoomiyaha, ahna aasaasaha Cisbitaalka SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay, waxaanu sheegay inay Maamul ahaan sii wadayaan dedaalka lagu horumarinayo xarunta balse ay xaruntu u baahan tahay taageero gacan-siin ah oo lagu garab-joogsaday, isagoo Laamaha Dawladda ugu baaqay inay doorkooda ka gacan-geystaan sidii xaruntu u sii wadi lahayd Daaweynta iyo daryeelka Dadka qaba xanuunnada dhimirka.

Dhakhaatiirta ka hawl-gala Cusbitaalka Sahan, ayaa ka warbixiyey nidaamka ay u maraan daaweynta bukaanka qaba xannuunka Dhimirka ee xarunta la keeno iyo dedaallada dheeraadka ah ee ay u sameeyaan bukaanka, waxaanay si gaar ah ugu mahad-naqeen Guddoomiyaha Xarunta Sahan Bashiir Jaamac dedaalka uu la garab-taagan yahay.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa maamulka Sahan Hospital ku bogaadiyey juhdiga Shaqada ay Dadka u hayaan oo ay xuseen inay tahay hawl-qaran oo ay ka furteen Dowladda.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole, ayaa si weyn u ammaanay kaalinta ay xarunta Sahan bulshada ugu jirto, waxaanay si cilmiyeysan uga hadleen daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay Qofka Qaba Xannuunka Dhimirka.

Waalidiinta Ardayda, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan iyo Haween ka hadlay xafladda, ayaa ammaanay doorka Xarunta Sahan ugu jirto bulshada, waxaanay soo jeediyeen in dhaqaale iyo taageero kaleba lagu garab-joogsado xarunta lagu xannaaneeyo Dadka Dhimirka Qaba ee Sahan oo ay tilmaameen inay dusha u ridday Hawl culayskeeda ay qaadi karaan dowladaha waaweyn ee dhaqaale ahaan awoodda u leh.

Ugu dambayntii, waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda oo la baray Xirfado kale Duwan iyo Qur’aanka Kariimka ah

Xarunta SAHAN (Sahan Mental Hospital) oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, ayaa lagu daryeelaa Dadka qaba xanuunnada dhimirka, iyadoo looga yimaaddo dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka (Labanka), Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.

Sannad kasta waxa Cusbitaalka Sahan Illaahay Caafimaad ka siiyaa dad tiro badan oo bulshada dib ugu noqda iyagoo bad-qaba isla markaana xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagi karaan soo bartay.

blankblank blank blankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblank

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories