HomeSomaliland Dhankeeda Ma Ka Hadhay Sheegashadii Gobolo Ka Mid Ah Itoobiya iyo...

Somaliland Dhankeeda Ma Ka Hadhay Sheegashadii Gobolo Ka Mid Ah Itoobiya iyo Kenya? Cabdiraxmaan-cadami

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Laga soo bilaabo xoriyadii 1960, Soomaaliya waxay ku doodaysay in dawladihii gumaysigu Itoobiya iyo Kenya ku wareejiyeen qaybo ka mid ah gaygii Soomaalida, Jabuuti qudheeda in laga garoocay dhulka Soomaalida. In kasta oo charter-ka AU-du dhigayo in xuduudaha Africa loo dhaafo sidii isticmaarku kaga tagay, dawladihii Soomaaliya uma ay hogaansamin waxayna ku sii adkaysteen sheegashada in dhul kaga maqan yahay Itoobiya iyo Kenya. Muranka dhulku wuxuu horseeday inuu xumaado xidhiidhka Soomaaliya iyo wadamada la jaarka ah oo marmar badan sababay dagaalo iyo iska horimaadyo hakiyey horumarkii ay samayn lahaayeen dalalka Geeska Africa, colaadaha mar kasta gobolka ka aloosna waxaa ka qayb ka ahaa dawlado shisheeye ah oo dhinacooda ka hurinayey.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya markii ay burburtay waxa ay u kala go’day laba dal oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba distoorka cusub ee Soomaaliya ma xusayo inay ka hadhay dhulkii ay u sheeganaysay Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxna lagama badelin astaamihii qaranka Soomaaliya ee u taagnaa shanta Soomaaliyeed oo calanku ka mid yahay; laakiin distoorka Somaliland qodobkiisa 2aad faqarada 2aad wuxuu tilmaamayaa sohdimaha dalku la leeyahay dalalka jaarka ah, isla markaa qodobka 10aad farqadiisa 5aad wuxuu qoraya in JSL ay ka go’antahay in colaadii raagtay ee dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu badalo isaf-garad iyo iskaashi si looga soo kabto dib u dhicii ku yimi sanado badan; hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in Somaliland dhankeeda si rasmi ah u shaaciso in aanay Soomaaliya kala mid ahayn sheegashada gobolo ka tirsan wadamada jaarka ah iyada oo la ixtiraamayo qawaaninta caalamiga ah gaar ahaan Charter-kii AU-da ee 1963 dalalka Afrikaanku isku raacay.

Hadaba si walaaca dalalka gobolka iyo kala shakiga meesha looga saaro madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud waxaan u soo jeedinaya in uu digreeto ku soo saaro si toos ah u qeexaysa in Somaliland haba yaraatee wax dhul ah kaga maqanayn dalalka la dariska ah isaga oo taageeraya distoorka oo si dadban uga hadhay sheegashadii dhul ka baxsan maxmiyadii Ingiriiska iyo in ay Somaliland ka soo horjeedo in aan wadana ku xad gudbin wadan kale ama ku qaadin weeraro gardaro ah (Aggression) kadibna baarlamanka laga ansixiyo si uu u noqdo qaynuun rasmi ah oo dhamays tiran.

Madaxda Soomaaliya ma haystaan kalsoonida shacabka, waxayna u qaybsan yihiin kooxo la kala socda dawlado iyo xoogag ajanebi ah oo ku hirdamaya Soomaaliya sidaa awgeed lagama yaabo inay ku dhiiraadaan inay wax ka badalaan mawqifkii madaxdii hore ee Soomaaliya iyo baadi goobkii Soomaali-weyn; laakiin madaxweyne adigu waxaad haysata ra’yul caamka iyo taageerada dadkaaga sidaa daraadeed waxa lagaa filaya in aad mudnaanta siin doonto maslaxda dalka iyo rabitaanka umada.

Madaxweyne waxaan kuu rajaynaya in aad dalka ku hogaamiso siyaasad waaqici ah (pragmatic) oo madax banaan adiga oo aan u habranayn dawlado shisheeye ah oo aynaan waxba ku qabin laakiin iyagu kaa doonaya in Somaliland u fuliso danaha ay ka leeyihiin gobolka.

Cabdiraxmaan Cadami

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories