HomeSomaliland: Dhalinyaro Tahriib Ka soo Laabatay oo La guddoonsiiyey $120,000

Somaliland: Dhalinyaro Tahriib Ka soo Laabatay oo La guddoonsiiyey $120,000

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) –  Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa lacag ku dhow 120 Kun Dollar ku wareejisay Dhalinyaro muwaadiniin ah oo dhawaan ka soo laabtay tahriib ay dalka dibaddiisa ugu baxeen.

blankGuddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed Xinnif oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Adduunka ee ION, ayaa qaddar lacageed oo dhan 118-kun oo dollar ku wareejiyay dhalinyaradan oo tiradoodu dhan tahay 59 wiilal iyo gabdho isugu jira.

Dhallinyarada oo wiilal u badan ayaa ka mid ah tiro waddanka hore uga tahriibay oo laga soo celiyay waddamada Liibiya iyo Suudaan, ayaa mid kasta oo ka mid ah la guddoonsiiyey $2,000 (Laba Kun oo Dollarka Maraykanka ah).

Munaasibadda lacagaha lagu guddoonsiiyey xafiiska hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Qaranka, ayaa laga sheegay in xukuumadda iyo hay’adduba iska xil-saareen sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada si ay wax u taraan naftooda iyo ta qoyskoodaba.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Somaliland Cabdikariim Xinif, ayaa dhalinyarada ku boorriyey inay ka qayb-qaataan ololaha la dagaalanka aafada Tahriibka isla markaana ay dhalinyarada uga digaan dhibaatada uu leeyahay maadaama ay waayo-arag yihiin.

“Kuwa Tahriibku niyadooda ku jiro, si aanay dawladdu u qancin karrin ayaad idinku u qancin kareysaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Xinnif oo dhalinyarada la hadlayey, isagoo intaas ku daray in inkasta oo qaddarka lacageed ee la siinayaa aanu dabooli Karin baahiyaha noloshooda ku gedaaman, haddana ay tahay fursad dhaqaale-abuur oo ay ka midho-dhalin karaan, waxaanu guddoomiyuhu dhallinyarada kala dardaarmay inaanay lacagta siinayay meel khaldan ku bixinin.

“Waanu ognahay in waxa la idin siinaya in aanu baahidiina, baahida qoyskiina iyo ta qaraabadiina midna aanu kaafiyi kareynin, balse xagga kale markaad ka eegto marka horeba maad haysan, markaa waxaan idin kala dardaarmaya in waxa la idin siiyay aydaan xaaraan iska gelin,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdikariim Xinnif.

Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia oo taageero ka helay hay’adda IOM ayaa kaalin muhiim ah ka qaadata soo celinta dhalinyarada Tahriibka kaga baxa Somaliland oo intooda badani sii marayaan dalalka Ethiopia, Suudaan iyo Liibiya oo marin u noqday socdaallada sharci-darrada ah ee ay adeegsadaan Tahriibayaasha qaaradda Afrika ee ku sii jeeda Qaaradda Yurub.

Haseyeeshee, waxa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhac ku yimi socdaallada sharci-darrada ah, kaddib markii xasilooni-darrada iyo amni-xumadu ku sii korodhay Dalka Liibiya oo ahaa marinka ugu badan ee tahriibayaashu adeegsadaan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories