HomeSomaliland Daraasad Iyo Muxaadaro Uma Baahna - W/Q: Maxamed Cali

Somaliland Daraasad Iyo Muxaadaro Uma Baahna – W/Q: Maxamed Cali

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Mohamed AliSomaliland labo iyo labaatan sanadood bay soo halgamaysay oo ay nidaamka maanta wadanka lagu xukumo soo dhisaysay. Adduunwaynuhu uma baahnaa in laga dhaadhiciyo heerka Somaliland ka gaadhay dimoqraadiyada iyo dhisma dowladeedka. Mar hore ayuu adduunwaynuhu ka markhaati furay kuna amaanay Somaliland dimoqradiyadda ay gaaadhay. Looma malaynayo in uu jiro dhagax aan wali la rogin. Somaliland waxay u baahantahay ragga la mid ah Professor Samatar oo u dooda, u hadla, difaaca qadiyadda Somaliland. Somaliland uma baahna in hadda la xadeeyo oo lagu soo wareego dhulkeeda. Uma baahna in la qiyaaso inta doonaysa gooni isu taaga Somaliland iyo inta kale ee diidan. Waa la ogyahay xaaladda iyo himilooyinka dadwaynaha reer Somaliland.

Professor Samatar wuxuu si dadban uga jawaabay ujeeddada safarkiisa iyo natiijada u rabo in u ka gaadho.  Dadweynuhu uma baahna in loo sheego in qof wadanka ku dhasahay. Waxay u baahan yihiin in loo sheego in lala qaybsado himiladooda, farxadooda, iyo muragadoodaba.  Lama garanayo cidda maaligelisay safarkan iyo qoraalka u ka diyaarinayo Professorku Somaliland, isna ma sheegin. Professor Samatar waa nin ku xeel dheer sida dadka loo soo jiito. Wuxuu aad ugu talax tegay inuu dadku waxay jecelyihiin in ay maqlaan u macaaneeyo. Samatar ninkii garanayaa garanayee, waa aqoonyahan ku fogaaday sida dadka maskaxdooda loo kasbado. Wuxuu yidhi ‘nidaam ka jira Somaaliland waa mid iga da’wayn,’ laakiin wuxuuna ummada reer Somaliland u sheegin in uu dadka aan aqoonin soo jiito oo wuxuu rabo u rumeeyaan.

Maanta  Professorku wuxuu gaadhay da’dii shaqa ka fadhiisiga. Markii u ololaha ugu jiray in loo doorto Madaxweynaha Somalia, wuxuu yidhi: “Anigu uma baahni mushahar, waxa kaliya ee aan rabaa in inta nolosha iiga hadhay u shaqeeyo dalkayga hooyo.” Haddaba hadii sida u qodbadiisii ku sheegay u aaminsan yayhay in Somaliland tahay wadankiisa hooyo, waxay ahayd in uu sheego waxa dadku ay ka sugayeen. Somaliland maanta Professorkan oo kale way u baahantahay. Waxay dadku jeclaan lahaayeen inuu yidhaado: “waxa Somaliland aan u sidaa hadyad. Waxan u imid in an Somaliland inta nolosha iiga hadhay ugu shaqeeyu bilaa mushahar oo aragtidayda, magacayga, khibradayda, iyo dad la socodkayga uga faaiideeyo wadankayga, Somaliland.

Magac Somaliland sida u professroku sheegay waa magac ka da’wayn. Magucu wuxuu ka da’waynyahay magaca “ Somalia”.  Waayo magac Somalia wuxu ka dhasahy Somaliland iyo Konfor isu tegoodii. Sidaas owgeed magac Somaliland uu ka da’waynayahay “ Somalia”. Magucu wuxuu jiray laga soo bilaabo bilowgii gumaysigii Ingiriiska, wuxuuna ahaa: “British Somaliland”.

Isku soo wada duuboo Somaliland waqtigan xaadirka aad bay ugu baahantahay Samatar oo kale. Ummada Somaliland waxay jeclaan lahaayeen in u u sheego in u Qoraalka u ka diyaarinaayo Somaliland u noqon doono hubka u isticmaalidoono marka u aduunwaynaha la doodaayo.  Somaliland way soo dhamasay hadal iyo baraarujin. Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay dadaal dadwayne iyo nabad. Umma baahna daraasad iyo muxaadaro. Waxay u baahantahay in mabda’ ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba lagu gargaayo si himilada dadwynuhu u rumowdo.

Qore: Maxamad Cali Muuse (Canada) 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories