Home“ Somaliland Dalkii Aan Dadka Ka Dhexayn ..” Nuxurka Dood London Lagu...

“ Somaliland Dalkii Aan Dadka Ka Dhexayn ..” Nuxurka Dood London Lagu Qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)– Xarun dhawaan laga yagleelay magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa dood cilmiyeedeedii u horaysay oo ku saabsan halista qabyaaladda qabatay. Xaruntan oo magaceedu yahay “Xarunta cilmi baadhista iyo tayaynta qaranka Somaliland,” ayaa qabatay dood mawduuceedu yahay “Godkii qaranimada iyo umadnimada Somaliland waxa galay qabiil iyo qabyaalad, waa maxay sababtu? Maxaase xalkeedu noqon doonaa?.

Doodan oo lagu qabtay guriga loo yaqaan Oxford House  waxaana mawduuceeda soo darsay Aqoon yahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne, waxaana la gorfaynayay digtoor ciise Xasan Cali, Xildhibaan Mahdi Sugaal, Saki Dool iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo soo bandhigay aragtiyahooda qabyaaladda.

Aragtiyaha Aqoon yahanka ka qayb galay dood Cilmiyeedka

Aqoon yahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne ayaa ugu horayn ka hadlay aragtidiisa qabyaaladda “ Somaliland Dalkii aan dadka ka dhexayn ee cid waliba meeshay joogto sheeganaysay. Haddii maanta la is yidhaa meel macdan ha laga qodo ama wax ha laga sameeyo, xataa haddii la is yidhaa meel biyo ha laga soo saaro reer baa sheeganaya, oo aanay dawladdiina dhaqdhaqaaqa samaynayn. Dawladda waxaa mar walba diciifinaya maaha dadka meesha jooga oo diciifiina ee waxa diciifinayaa waa aqoontii qabiilka oo aad u xoogaysatay, xataa dawladda dhexdeeda ayay ka xoogaysatay.Waxa kale oo ay leedahay qabyaaladdu inaanu sharciga dawladdu shaqayn. Sababta aanu u shaqaynayn waxa weeye cidba uma joogsanayso. Qofka wacyigiisa, dareenkiisa iyo caqligiisaba waxaa ku jirta reer hebel baad tahay.”

Sheekh Dalmar, ayaa isna ku taliyay in xalka qabyaaladdu noqonayo inaan qofna qof ka kale u quudhin waxaanu jeclayn in lagu sameeyo “Waxa adigu aad diidayso, dee dadka kalena ha u ogolaanin oo ha ku samaynin, waa intaas uun. Qof waliba, yacnii Illaahay baa ina eegaya, waanaynu ognahay waxan aynu wadnaa inaanay ina anfacayn”.

“Ciqaabta qabiilku waa mid guud. Qof baa dambi galay, reerka oo dhan baa galay ayaa la odhanayaa, xataa haddii wasiirku khalad sameeyo waxaa la odhanayaa reer Hebelow naga qabta. Fadlan na taageera si aan qaran u gaadhno, in qaran la gaadhayo waan aaminsanahay oo kama niyad jabayno.

“Qabyaaladda magaalada ka jirtaa waa mid is bedbelaysa. Qabyaaladda magaalada ka jirtaa inay qaran dumis tahay oo qaranka duminayso iyada taas shaki kama jiro.. Boqol qof oo reer Somaliland ah oo halkan kala baxa iyagoo taagan tayaynta qaranka Somaliland.”

Doodan ayaa aqoon yahanka agaasimay bulshada u soo bandhigi doonaan waxa ka soo baxa iyo sida ay u arkaan xalka qabyaaladda mudooyinkii u dambeeyay laga dareemayay Somaliland.

Aqoon yahankan qurbaha kaga dhiidhiyay fidista iyo dhibka qabyaaladda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka gudihiisa laga dareemayo dad indheer garad ah oo ku hawlan sidii bulshadu uga waantoobi lahayd adeegsiga qabyaalada, kuwaasi oo ay hogaaminayaan Cabdikariim Axmed Mooge oo iska casilay agaasimaha wasaaradda qorshaynta iyo Barkhad Jaamac Batuun oo iska casilay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha beelaha laga tirada badan yahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories