Home"Somaliland Dadkeedaa ka dhigay inay u muuqato Dal nabdoon oo amni ah,...

“Somaliland Dadkeedaa ka dhigay inay u muuqato Dal nabdoon oo amni ah, dowladdooda kala shaqeeya” – Madaxweynaha Puntland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boosaaso (SLpost)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, ayaa khudbad dhiirri-gelin ah oo uu u jeediyey shacabkiisa tusaale ugu soo qaatay Iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhinaca Amniga iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacabkeeda.

blank

Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkaas ka sheegay kulan ballaadhan oo uu magaalada Boosaaso kula qaatay Shacabka ku dhaqan gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in Isku-xidhnaanta Shacabka iyo Dowladda Somaliland u sahashay in dalalka la jaarka ahi ku soo dhiirradaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, taasina ay ku suurto-gashay nabadda ka jirta.

“Dowladaha qaarkood dadkoodu waxay na yidhaahdaan, ‘Somaliland waa tegi kartaan laakiin Soomaaliya inteeda kale ma tagi kartaan’. Dadkeedaa ka dhigay inay u muuqato dal nabdoon oo amni ah, dowladdooda kala shaqeeya”, Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Shacabka maamulkiisa ugu baaqay inay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu yidhi, “Waxaan u baahannahay dadka reer Puntland inay iska ilaaliyaan Dadka nabadgelyo-darrada wiiqaya oo aanay marti-gelin.”

Madaxweyne Siciid Deni, waxa kale oo uu Shacabkiisa kula hadlay, “Dad badan oo reer Puntland ah markay deegaannada iyo dowladaha kale tagaan, waxa jirta inay sharciga iyo Kala-dambaynta ilaaliyaan, markay dalkooda yimaaddaanna lagu kari waayo sharciga fuiya,” ayuu yidhi Siciid Denay oo weedho dhiirri-gelin iyo canaan isugu jira u jeediyey boqolaal dadweyne ah oo ka qayb-galay kulan habeen hore ku qabsoomay magaalada Boosaaso.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories