HomeSomaliland: Dadka Qaba Xannuunka Covid-19 oo Sii Korodhaya iyo Macluumaad Muujinaya in...

Somaliland: Dadka Qaba Xannuunka Covid-19 oo Sii Korodhaya iyo Macluumaad Muujinaya in Cudurku ku faafay dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid-19 oo isugu jira muwaadiniin iyo dad Ajaanib ah oo dalka ka xoogsada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda xannuunka la wadaagtay warbaahinta, waxa ay sheegtay in baadhitaanno 24 Saac ee u dambeeyey loo sameeyay 80 Qof, xannuunka laga helay 26 ka mid ah, taas oo tirada Guud ee Dadka laga helay Xanuunka ee Somaliland ka dhigaysa 358 Qof.

blankWaxa ay wasaaraddu warbixinta ku xustay in 22 ka mid ah dadkani yihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland halka Afarta kale dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Hindiya.

Sida warbixinta wasaaradda lagu sheegay, 19 ka mid ah dadka xannuunka laga helay waa Rag, Toddoba ka mid ahina waa Dumar, kuwaas oo 13 ka mid ahi deggan yihiin magaalada Hargeysa, Toddoba Qof magaalada Boorama halka 6-da kale ku nool yihiin magaalada Berbera.

Tirada Dadka cusub ee xannuunka ka bogsaday, ayaa ah 5 Qof, taas oo Tirada guud ee Dadka Xanuunka ka bogsaday ka dhigaysaa 48 Qof.

Ma jirto Cid Xannuunka u dhimatay oo warbixinta maalinlaha ah lagu xaqiijiyey, balse tirada guud ee dadka xannuunka u geeriyooday ayaa maraysa 22 qof.

Dhica kale, marka la is-barbar dhigo tirada Dadka baadhitaanka loo sameeyey (80) iyo tirada dadka laga helay xannuunka (26) 24-saac ee u dambeeyey, ayaa oo cel-celis ahaan noqonaysa in boqolkiiba 32.5% laga helay cudurka, taas oo muujinaysa in xannuunku si xawli ah ugu fiday dalka.

Tirada Guud ee dadka xannuunka laga baadhay ayaa ah 1401 Qof, kuwaas oo 358 Qof oo ka mid ah laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan ka dhigan in guud ahaan dadka laga baadhay boqolkiiba 25.6% laga helay Cudurka Covid-19.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories