HomeSomaliland: Cilmi-baadhis lagu sameeyey 15 Cusbitaal oo bannaanka soo dhigtay Baahiyaha Caafimaadka...

Somaliland: Cilmi-baadhis lagu sameeyey 15 Cusbitaal oo bannaanka soo dhigtay Baahiyaha Caafimaadka iyo Gobollada ugu daran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Warbixin soo xiganaysa natiijooyinka cilmi-baadhisyo kala duwan oo Somaliland laga sameeyey xilliyo kala duwan, ayaa bannaanka soo dhigtay gal-daloolooyin ka jira adeegyada caafimaad 15 cusbitaal oo ku yaalla Somaliland, kuwaas oo isugu jira kuwa ay dowladdu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wargeys qora warbixinaha Caafimaadka oo Magaciisu yahay BMJ OPEN, ayaa baahiyey war-bixin laga diyaariyey natiijooyinka daraasado laga sameeyay Xaaladda adeegyada Caafimaad ee Cisbitaallada Somaliland, gaar ahaan adeegyada Qalliinka ee carruurtu ka heli karaan.

Sida war-bixintu sheegayso, Culayska caalamiga ah ee dhanka cudurrada Carruurta ayaa ah mid si aan dheellitirnayn u saameeya waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu dhexdhexaadka yahay, sidaasi darteed saamayntaas ayaa ka jirta xaaladaha qalliinka iyo daryeelka Carruurta Somaliland

Deraasaddan oo ujeeddadeedu ahayd in la ogaado Tirada Carruurta Somaliland ku nool ee wakhti ku habboon heli kara daryeel Caafimaad, gaar ahaan Adeegyada Qalliinka, ayaa waxa lagu ogaaday in Somaliland aad uga liidato, waxayna Deraasaddu caddaysay in 10% keliya Carruurta Somaliland ay heli karaan Qalliin Caafimaad.

BMJ OPEN, wuxuu warbixintiisa ku sheegay in xogta ku saabsan culaysyada ka jira adeegga Qaliinka carruurta laga ururriyey carruur ka badan 1,500 iyo 15 Cisbitaal oo ku baahsan gobollada Somaliland.

“Waxaanu ka soo ururinay xog ku saabsan culeyska qalliinka 1503 Carruur ah iyo 15 Cisbitaal oo ku baahsan Somaliland. Waxaan adeegsanay dhowr hab oo ay ku jiraan falanqaynta aagagga adeegga Qaliinka looga baahan yahay iyo iskudhafka miisaanka dhexdhexaadka ah si loo qiyaaso juquraafi ahaan qaybinta xaaladaha qalliinka Carruurta iyo helitaanka daryeel ee guud ahaan Somaliland.” Ayuu qoray BMJ oo uu Geeska Afrika uu Warkan ka soo xigtay, waxaanu intaa sii raaciyey in Deraasaddu soo saartay in in ka yar 10% carruurta Somaliland ay helaan daryeel caafimaad xilliga ku habboon “Natiijada falan-qayntayadu waxay soo jeedinaysaa in ka yar 10% carruurta ay helaan daryeel caafimaad oo wakhtigooda ku habboon guud ahaan Somaliland.”

War-bixintan waxa kale oo lagu sheegay in caqabadaha dhanka Adeegyada caafimaad ee Ubadka ay ka mid yihiin inay adag tahay in carruurtu markay daryeelka caafimaad u baahan yihiin aan loo helin karin, balse meelaha qaarkood si loo helo cisbitaal bixin kara adeeg Qalliin gaadiidka dadweynaha la raaco muddo 12 saacadood muddo ku siman, taasi oo ka dhigan inay adag tahay sida loo helo cisbitaal bixin kara adeegyada ay ka midka yihiin Qalliinnada carruurta yaryar “Waxaa jira kala duwanaansho dhanka juquraafiga ah oo Ballaadhan, kaasi oo ku saabsan baahsanaanta baahiyaha qalliinka carruurta iyo helitaanka daryeelka qalliinka ee gobollada oo dhan.” Ayuu sheegay BMJ

Joornaalku wuxuu War-bixintiisa si gaar ah ugu soo hadal-qaaday Gobollada Sool iyo Saaxil oo uu xusay inay baahiyahani aad uga jiraan iyo carruurta ku nool dhulka baadiyaha ah oo aan intooda badan helin daryeel caafimaad.

Deraasaddan ayaa waxa lagu ladhay War-bixino ay hore arrintan uga soo saareen Hay’adaha Global Initiative iyo WHO, kuwaasi oo dabcan Deraasaddana door ku lahaa sida uu baahiyey BMJ Open.

Gebogabada Deraasadda ayaa ku talisay in Dawladda Somaliland sii Waddo dedaallada wax lagaga qabanayo ama lagu yaraynayo baahidan taagan, inkasta oo dhanka kalena ay Deraasaddu sheegtay inay yar tahay in Somaliland wax ka qabato wax muuqda illaa 2030-ka.

Xigasho: Geeska AFrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories