HomeSomaliland: Ciidanka Booliska oo dhaawac u geystay Weriye, xilli walaac laga qabo...

Somaliland: Ciidanka Booliska oo dhaawac u geystay Weriye, xilli walaac laga qabo Xaalada Saxaafadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wariye Khadar Macalin Deeq oo maalintii Saddexaad yaalla Cisbitaal iyo Daneeyayaasha Horumarka Saxaafadda Somaliland oo ka walaacsan xad-gudubyada Saxaafadda loo geysto oo sii kordhaya..

 

Hargeysa (SLpost)- Xaaladda Caafimaad ee Wariye maalintii Axadda Ciidanka Booliska Somaliland Dhaawac u geysteen ayaa ka soo raynaysa, inkasta oo ay Saraakiisha Caafimaadku natiijooyin is-khilaafsan ka soo saareen heerka dhaawaca uu ka qabo Qaarka dambe ee Miskaha.

blank

Wariye  Khadar Macalin Deeq oo ah Tafaftiraha Telefishanka Bulshotv iyo soo saareyaasha Wargeyska Madaxbanaan ee Saxansaxo, ayaa maalintii saddexaad yaalla Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar, kaddib markii uu dhaawac u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta Nabad-gelyada Waddooyinka oo Wariyaha iyo Suxufiyiin kale oo howlo shaqo u socda gacan ka hadal ugu geystay Magaalada Hargeysa.

 

Wariyaha ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay qaarka dambe oo ah Miskaha iyo Lugaha, waxaanay ugu Dhakhaatiirtu sheegeen in aanay Lafuhu jabin, balse uu jug culus qabo.

 

Suxufigan ayaa dhaawacmay, kaddib markii Ciidan kuwa Nabad-gelyada Waddooyinka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe, ay jidh-dil iyo xadhig isugu dareen Koox Wariyeyaal ah oo uu la socday Suxufiga dhaawacmay, kaddib markii ay is-maandhaafeen mid kamida Askarta iyo Wariye Sawir qaade ah oo ka tirsan Bulshotv.

 

Ismaan-dhaafka Askariga iyo Suxufiga ayaa ka dhashay Gaadiid wada hareereheeda yaallay oo ay Askartu Taayirrada ka banjarisay barxada Baabuurta la dhigo ee Hudheelka Imperial oo ay inta badan Wariyeyaashu ku kulmaan xilliyada Shaqada War doonka “waxaan ku idhi Gaadhi ha banjarin ee Qofkii lahaa maad raadisay, kaddibna wuxuu iigu jawaabay Cay iyo Aflagaado, markaan ku idhi ha I caayina gacanta ayuu I saaray”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Suxufi Xasan Barre oo ay isaga laftiisa Askartu Jidh-dil u geysatay.

 

“Inkasta oo aan nabar muuqdaa igu oolin, haddana si xun ayey ii garaaceen oo juggo badan ayey ii geysteen” ayuu raaciyey Xasan oo ay Askartu ku goobatay ka hor intaanay Wariyaha kale ee Dhaawacin.

 

Suxufiga la dhaawacay, ayaa la sheegay in uu isku dayey in uu dejiyo xaalada dhex martay Askarta iyo Sawir qaadaha la garaacay, kaddibna Sarkaalka Ciidanka hogaaminayey oo magaciisa lagu sheegay Cabdimadoobe  ayaa si xoog ah ugu tuuray meel ay Dhagaxaan yaallaan oo ka dambeysay, taasoo sababtay in uu si barraad la’ Dhulka ugu dhaco “ Anigoo gaadhiga ka soo degay ayuu si xoog ah ii tuuray, kaddibna waxaan ku dhacay Dhagaxaan iga dambeysay, oo aan si xun uga kala dhacay” ayuu yidhi Khadar Macalin oo uu Wariye ka tirsan Gobanimonews ku booqday Cisbitaalka Gargaar oo goor dambe oo Axaddii ah la dhigay.

 

Laba kamida Ciidanka Waxyeellada u geystay Wariyeyaasha ayaa xabsiga loo taxaabay goor dambe oo Axaddii ah.

 

Muuqaal ka soo muuqday Qalabka Warbaahinta, ayaa muujiyey Askarta oo si arxan-darro ah u garaacaya Mid kamida Suxufiyiinta iyo Wariyaha la dhaawacay oo uu Askari kale kala tuurayo, waxaana ku buuqsanaa Dadweyne tiro badan oo isku dayey inay kala dhex galaan, balse sida ka muuqata Video-ga oo lagu duubay Telefoon Askarta oo Dirayska u gaarka ah ku lebisan, ayaa Xoog ku muquuniyey dadka.

 

Ma jiro wax war ah oo uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka soo saaray Tacadiga lagula kacay Wariyeyaashan, hase ahaatee xubin kamida Guddida Fulinta ee Ururkaas ayaa GNA u sheegay inay arrinta Wariyaha la dhaawacay Ka howl-galeen.

 

Geesta kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Telefishanka uu ka tirsanaa Suxufiga dhaawaca loo geystay, ayaa sheegay inay wax ka qabashada falkan kala hadleen Maamulka Telefishanku, Taliska Ciidanka Booliska oo aqlay inay dusha u ritaan masuuliyada waxyeellada loo geystay Suxufiga Khadar Macalin-deeq.

 

Waa markii labaad ee uu Boolisku Suxufigan gaadhsiiyo dhibaato gaadhsiisan dhaawac jidheed, waxaana sanadkii hore madaxa dhaawac ka gaadhsiiyey Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo nabar culus ku dhuftay,kaasoo kula dagaalamay goob shaqo oo uu Suxufigu ku sugnaa.

 

Dhacdadan labaad ee Wariye Khadar lagu beegsaday, ayaa imanaysa xilli ay kor u sii kacayaan Xadhiga iyo tacadiyada kale ee ka dhanka ah Suxufiyiinta, soona kordheen kiisas Ugub ah oo dhex maray Wariyeyaal iyo Ciidanka Booliska, kuwaasoo halis Ku ah Bad-qabka Deegaanka ay ku shaqeeyaan Wariyeyaashu iyo xal u helida dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ka dhex dhaca Suxufiyiinta iyo Dawladda.

 

3-dii bilood  ee u horeeyey sanadkan, waxa Somaliland lagu xidhay 16 Wariye oo ka kala shaqeeya Gobolada dalka, waxaana Dawladdu xayirtay Wargeys Madaxbanaan oo ka soo bixi jiray Magaalada Hargeysa, iyadoo Wargeys kalena uu muddo u xidhnaa Dacwad ay Dawladdu ku oogtay.

 

Kor u kaca gabbood-fallada ka dhanka ah bad-qabka Saxaafadda iyo Ilaalinta xuquuqda Wariyeyaasha, una dambeysay dhacdadan maalintii Axadda lagu bartilmaameedsaday kooxda Wariyeyaasha ah, ayaa sii xoojiyey walaaca ay qabaan Daneeyayaasha horumarka Saxaafadda Somaliland, kaasoo sanadihii u dambeeyey sii kordhayey, waxaana jira dareen ah in isku-milanka Dawladda iyo Ururrada Saxaafadda ee dalka, gaar ahaan Ururk SOLJA oo la aaminsan yahay inay kamid tahay illimaha laga soo galay tacadiyada lagu hayo Wariyeyaasha, in uu Mustaqbalka sahaydo madaxbanaanida Saxaafadda iyo Xoriyadda hadalka.

 

Koox Wariyeyaal ah oo horaantii todobaadkan Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ururka SOLJA uu dayacay kaalintii kaga aadanayd Difaaca iyo ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta iyo Saxaafadda Dalka, waxaanay ku eeddeeyeen in uu Ururkaasi u xuub-siibtay mid Dawladda ku gacan siiya dhibaateynta Wariyeyaasha Madaxbanaan  iyo Qalabka Warbaahinta ee ay ka shaqeeyaan.

 

Xigasho: GNA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories