HomeSomaliland: Ciidamada Ammaanka oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad...

Somaliland: Ciidamada Ammaanka oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad Loo Xidhxidhay Bambo Ku Qaraxday Tog-Wajaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay shan nin oo habeen hore guri ku yaal Magaalada Wajaale ay ku qarax-day Bombo,kuwaasi oo uu sheegay inay ahayeen kuwa maleegay shirqool oo xamar laga soo shidaaliyey, balse Ciidanka Booliska Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey, sida uu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan.

blank

Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay sidan: “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .”

 

Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.”

 

Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .”

 

Dhanka kale, Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley, ayaa ka waramay dhac-daasi habeen hore ka dhac-day wajaale , waxaanu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga Facbuugsiisa sidan   “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”.

 

Geesta kalena waxa la sheegay in ninkii dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, halka labadii kalena lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana xogu xuseen in qoyskii guriga ka kireeya raggaasi xabisga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada illaa hadda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories