HomeSomaliland: Biriish laga hirgeliyey Doox Gumaaday Dad iyo Gaadiid Badan

Somaliland: Biriish laga hirgeliyey Doox Gumaaday Dad iyo Gaadiid Badan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray Biriij-ka Dooxa Degmada Dacar-budhuq oo ahaa doox galaaftay nafo badan oo muwaadiniin ah, dhismihiisana ay Somaliland ka caawisay Dawladda Imaaraadka Carabtu.

blankMunaasibad ballaadhan oo lagu qabtay biriijka dacar-budhuq oo ay madaxweynaha kala soo qaybgaleen, masuuliyiin uu hoggaaminayo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Abdalla Alnaqbi, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan agaasimaha wasaaradda, maareeyaha hay’adda wadooyinka guddoomiyaha Guddida mashruuca Berbera Corridor, iyo madax badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, maayarka Caasimada Hargeysa, maareeyaha dekedaha Somaliland, qaar ka mida taliyeyaasha Ciidamada, salaadiin, siyaasiyiin, waayeel, aqoonyahan iyo bulshada ku dhaqan degmada Dacar-budhuq.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay ay ka mid ahaayeen, Cabdirisaaq Suldaan oo ka socda hay’adda gacanta ku haysa dhismaha wadada berbera Coridor, Eng Yuusuf Ciise Xamari, gudoomiyaha guddida Berbera Corridor, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Amb Abdalla Alnaqbi safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland iyo maayarka Caasimada Hargeysa oo dhammaantood dul istaagay muhiimada ay biriijyadani u leeyihiin bulshada iyo dalka, wakhtiyada roobabkana lagaga badbaadidoono dhibaatadii hore uga soo gaadhijirtay kumanaan ka mida dadka isaga gooshaya gobolada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn ba u mahadnaqay Dawladda Imaaraadka Carabta.

blank“Waxaynu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoo hirgelisay mashaariic badan oo aynu in badan usoo joognay midha-dhalkeedii ballamihii ay u qaadeen inay ku taageeraan Somaliland oo Dekeda, Airport iyo Waddadani ka mid yihiin oo runtii ah mucaawino walaaleed oo aan deyna ahayn dulsaarna lahayn intooda badani, Shirkada dhisaysa Dekedu waa shirkad baayac-mushtar ah oo aynu wada galnay heshiis baayac-mushtar, laakiin hawsha Garoonka iyo Waddadan waxaa inagu caawiyey Dawladda Imaaraadka Carabta, dawladdaasi dadka way inooga suntantahay oo dadkooduna waa inooga dhawyihiin kuwa kale, Somaliland iyo dadkeeduna abaalka way gudaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey marti sharafta kasoo qeybgashay munaasibada iyo dadkii dedaalka badan geliyey sidii uu u hirgeli lahaa mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabku ka caasiway Jamhuuriyadda Somaliland.

blank“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa marti sharafta halkan joogta dhammaantood ee xaflada kasoo qeyb galay , waxaan jecelahay inaan maanta labada nin oo halkan fadhiya aad ugu mahad naqo oo dadkii hawshan iyo tabaabushahan berigii la joogay hawl badan ka geystay ahaa, waana Xildhibaankii hore ee Degmadan Axmed Wayso Cadde iyo maareeyihii hore ee Dekada Berbera inta badan hayey Cali Xoor Xoor,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somailand u sheegay inay taageeraan horumarka Dawladdu waddo” Dadweynaha Somaliland waxaan u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan marka mashruuc la wado horumar ah ee la keeno waxa laga doonayaa inanu is garab taagno, caqli maaha annigu mahayo Tamar aan wax ku dhisto, tamar aan macdan ku qoto, tamar aan shiidaal kula soo baxo, tamar aan mashaariic waa weyn ku qabto haddana kii laykeenaba waan is hortaagayaa oo annaa ka talinaaya oo teydaa la yeelayaa , Dastuurku wuxuu leeyahay khyeraadka iyo maamulkiisa qaranka Somaliland baa leh, qarankuna wuxuu u igmaday dawladda , dawladdu wixii ay keento waa in la qaataa oo lays maqlaa markaas baynu horumaranaynaa”.

blankMadaxweynuhu waxa uu xusay in Dooxa Dacar-budhuq uu qaaday dad badan oo ku nafwaayey dooxaasi, waxaanu yidhi, “Dooxan wixii ka dhici jiray waa la sheegay 50-qof buu ii sheegay gudoomiyaha Degmadu intuu ogyahay isagu ee dooxaa uu daad ku qaaday, kontonkaa waxaa kamid ahaa Suldaan Barre, waxaa ka mid ahaa Nuux oo ahaa sarkaal ciidamadii aanu isku wakhtiga ahayn oo Canada ka yimi fasaxna ku joogay, maanta waa Ilaahay mahaddii walaaladii inaga caawiyey inaan biriijkaa dhisno”.

Biriishka Madaxweynuhuu xadhigga ka jaray ee laga hirgeliyey Dooxa Dacar-budhudh oo ku yaalla jidka isku Xidha Hargeysa iyo Berbera, ayaa ka mid ah mashruuca Jidka Berbera Corridor oo loogu talo-galay inuu dekedda Berbera ku xidho dalka Ethiopia, waxaana dhismaha Jidkan oo la gaadhsiinayo Degmada Togwajaale maalgeliyey Shirkadda Dp World iyo Dowladda Boqortooyada Ingiriiska.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories