HomeSomaliland: Beeraleyda dalka oo loo qaybinayo Siidh Waddani iyo Digniin Xukuumaddu kaga...

Somaliland: Beeraleyda dalka oo loo qaybinayo Siidh Waddani iyo Digniin Xukuumaddu kaga dhawaajisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed, ayaa daboolka ka qaaday hirgelinta qorshe wasaaraddiisa oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah ay siidh waddani ah ugu qaybinayaan Beeralayda dalka.

Wasiirka horumarinta Beeraha oo ka qayb-galay kulan ku saabsan diyaar-garowga xilli-roobaadka oo ay isugu yimaaddeen hay’adaha caalamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin iyo isu-duwayaasha gobollada ee wasaaradda, waxa uu sheegay inay sannadkan gudihiisa ay siidh waddani ah ugu qaybinayaan 18-kun oo beeralay ah.

blankKulanka waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey madaxa hay’adda Qaramnada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO, kaas oo Wasaaradda beeraha ku ammaanay kulanka u diyaargarowga xilli-roobaadka oo wasaaraddu soo qaban-qaabisay iyo qorsheyaasha ay ku dhiirri-gelinayaan beeraleyda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaradda beeruhu sannadkan ay bixin doonto shinni ama siidh loo qaybin doono 18 kun oo ka mida beeraleyda dalka, isla markaana lagu tabobari doono hab adeegsiga haboon ee wax-beerashada iyo la-dagaalanka aafooyinka dhibaatada u gaysta Beeraha oo Ayaxu ka mid yahay.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Md Axmed Muumin Seed oo gebo-gabadii ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ay wasaaraddu Siidhka waddaniga ah ugu qaybinayso Beeralayda dalka, waxaanu sheegay inay wasaaradda beeruhu qorshaynayso in sannadkan 2021 ay wax-ka-beddesho nidaamkii hore ee ay beeraleydu wax u tabcan jireen, iyadoo beeraleyda dalka guud ahaan lagu tabo-bari doono qaababka casriga ah ee dalagga loo beerto.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in siidhka ay sannadkan u qabin doonaan uu yahay mid tayo badan oo ay wasaaradda beeruhu dalka gudihiisa ka soo saartay, isla markaana ay soo marisay tijaabooyinkii uu u baahnaa, iyadoo uu isu-duweyaasha kulanka ka qayb-galay uu faray in beeraleyda gobollada ay ka hawl-galaan aan laga qaybin wax siidh ah oo aanay ogeyn wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories