HomeSomaliland: Badhasaab muddo Bil ku dhow fekad kaga Maqan Gobolkii uu maamulayey

Somaliland: Badhasaab muddo Bil ku dhow fekad kaga Maqan Gobolkii uu maamulayey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)- Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama.

 

blank

Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal  uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal.  Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal.

 

Xildhibaan Dhegaweyne, wuxuu sheegay inuu magaalada Hargeysa ugu yimid guddoomiyaha gobalka si uu ugu qanciyo inuu dib ugu laabto magaalada Borama iyo gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, laakiin aanay suurtogelin inuu ku qanciyo inuu dib ugu noqdo shaqadiisa, “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo intaas raaciyay “Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday.”

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu badhasaabku dib ugu soo noqon doonin gobalka Awdal, “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka.” Ayuu yidhi xildhibaan Dhegaweyne.

 

Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay isku dayay inuu badhasaabka gobalka Awdal weydiiyo sababta uu uga maqanyahay gobalka, laakiin way noo suurtogeli wayday. Sidoo kale wakhti sii horeeyay oo uu Wargeysku su’aashan Telefoon ku weydiyay badhasaabka, ayaa wuxuu ku gaabsadya inuu shir ku jiro.

 

@Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories