HomeSOMALILAND: Aataartii Lumi Gaadhay oo Aqoonsi Caalami ah Helaysa! - Warbixin Xiiso...

SOMALILAND: Aataartii Lumi Gaadhay oo Aqoonsi Caalami ah Helaysa! – Warbixin Xiiso leh

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

By Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Ma moogayn midabbada, muuqaalka, magaca iyo miisaanka taariikheed ee ay leedahay, mase arag oo cag ma dhigin ka hor 8-dii maarso ee 2020. Keligay kuma ahayn wayse jireen Dad ila mid ah oo dhag-ta uun ka maqlay, balse aan dhaayaha saarin sidaydoo kale markan ka hor.

“Aniga Cabdiraxmaan ahaan maanta ayaa iigu horreysay inaan imaaddo, runtii wax wayn baana iiga kordhay.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo aannu ka sinnayn booqashada, inkastoonaan dalxiisayaal ahayn, haddana hawl shaqo ayaannu ku wada soconnay.

Goobtu waa Buurtida Taariikhda dheer leh ee Laas-geel oo 47 KM dhinaca Waqooyi Bari kaga began Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo Taariikhdeeda Deegaanka mooyee Dunidu ka war-heshay 2002-dii, markii Koox Culuunta Dagal-baadhista aqoon u leh oo Faransiis ahi si heer caalami ah u shaaciyeen aataarta qadiimka ah iyo Farshaxanka la wada jeclaystay ee Buurtaas oo lagu qiyaasay in la farshaxameeyey Shan illaa tobdoba kun oo sannadood ka hor.

Hase-yeeshee, May helin Milgaha ay Dalka iyo Dunidaba ka mudnayd, balse dedaal badan ka dib, waxa Milaygu Maamuusay 8-da Maarso 2020-ka, ka dib markii Midawga Yurub ku qancay, aqbalayna Codsi lagu badbaadinayo, laguna daryeelayo Taariikhda Laasgeel, looguna diyaarinayo deegaan ku habboon kasbashada Dalxiisayaasha caalamka oo ay u gudbisay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, maaddaama oo ay noqotay goobaha Taariikhiga ah ee Somaliland halka ugu booqashada badan ee ay tagaan Dalxiisayaasha yimaadda Somaliland.

Arrintan ayaa sababtay in shalay oo ku beegnayd 8-da march 2020 Munaasibad lagu qabtay deegaanka Laasgeel ee goobta Aataarta lagu kala saxeexday heshiis uu Midawga Yurub ku maalgelinayo daryeelka iyo ilaalinta goobtan oo ka mid noqotay goobaha ugu faca weyn inta la ogyahay Mandaqadda Geeska Afrika. Heshiiska waxa dhinaca Midawga Yurub u saxeexay Ambassador Nichal Berlanga, halka Xukuumadda Somalilandna uu saxeexay Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Munaasibadda lagu saxeexay Heshiiskan Taariikhiga ah waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Dublamaasiyiin la socday Safiirka Midawga Yurub iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo soo dhaweeyey Mashruucan.

Waftiyadan ay kala hoggaaminayeen Madaxxweyne Ku-xigeenka iyo Safiirka Midawga Yurub, oo Laasgeel loogu sameeyey Qado-sharaf maamuuskeedu buuxay. Waxay fadhi kooban ka dib booqdeen oo mid mid u galeen qaybaha farshaxanka leh ee Buurta qaarkood, waxaana sharraxaad ka siiyey Axmed Maxamed Cawaale oo wax badan ka yaqaan Dhirta iyo Deegaanka, waxaanu sheegay inay Laasgeel tahay Aataar qadiim ah oo u baahan in magaceeda iyo maamuuskeeda kor loo qaado.

Markii dib loogu daadagay dacalka Buurta Laasgeel, intii aan dhinacyadu heshiiska qalinka ku duugin ka hor, waxaa hadallo soo dhawayn ah Munaasibaddaa ka jeediyey Guddoomiyaha degmada Laasgeel iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo iyaga Marti loogu ahaa deegaanka.

Laasgeel oo si weyn dunidu indhaha ugu haysay 18-kii sano ee u dambeeyey, ayaa xilligan Laasgeel lagu darayaa Liiska goobaha Taariikhiga ah ee sannadkan loo xulay inay aqoonsato Hay’adda Caalamiga ah ee Dhaqanka, Farshaxanka iyo Aataarta Qadiimiga ah ee UNISCO, Sida uu sheegay Safiir Berlanga, oo intaa ku daray in aqoonsiga goobtan iyo dalxiiskeedu wax ka tari doonaan kor u qaadka magaca Somaliland, Shaqo-abuurka iyo dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale isku xidhka Jiilasha Somaliland iyo kuwa dunida.

“Waxaannu sannadkan shir caalami ah loo qabanayaa Laasgeel, kaasoo ay saaxiibbada laasgeel oo ay ugu horreeyaan xubnihii taariikhda halkan dunida u bandhigay ee Faransiiska ah iyo dhinacyada dhaqanka iyo taariikhda daneeya ee dunida.” Sidaa ayuu yidhi Ambassador Berlanda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac iyo Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska iyo Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xasan Sacad Saajin , ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay yidhaahdeen, waxaanay sharraxaad ka bixiyeen muhiimadda Hantida Taariikheed leedahay iyo siday lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo, lagana faa’iidaysto.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa tilmaamay in heshiiskani muhiimad gaar ah u leeyahay Somaliland, waxaanu u mahad-celiyey Midawga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo iska kaashanaya Maalgelinta iyo Fulintiina Mashruucan.

Kooxda Dhaqanka ee Hal-kar, ayaa heshiiska ka hor soo bandhigay Ciyaaraha Hiddaha iyo Heeso ka turjumaya qiimaha dalka Hooyo leeyahay.

Gebagabadiina waxaa si rasmi ah qalinka loogu duugay heshiiskaas lagu ilaalinayo aataarta buurta Laasgeel, iyadoo dar lagu wareejin doono, sidoo kalena goob Madxaf ah, goobo dalxiisayaashu ku nastaan lagu hirgelin doono, iyadoo la tabobbari doono ciidanka ilaalada goobta iyo sidoo kale dadka deegaanka ku hareeraysan Laasgeel, waxaana Mashruucaas fulin doonta Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, iyadoo ay ka wada shaqayn doonaan Wasaaradda Wershadaha, Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland.

Warbixintaas oo Dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories