Home“Somaliland aad bay muhiim ugu tahay UK iyo Dawladaha Kale ee reer...

“Somaliland aad bay muhiim ugu tahay UK iyo Dawladaha Kale ee reer Galbeedka” – Ingiriiska Oo Ka Badheedhay Khatarta Shiinaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaadday muhiimadda Somaliland u leedahay dalkeeda iyo waddamada kale ee reer Galbeedka marka loo eego bogcadda ay Juquraafi ahaan ku taallo.

Xildhibaan Tim Loughton oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay waddamada reer Galbeedku ay mowqif ahaan ka midaysan yihiin taageerada dowladnimada iyo qadiyadda madax-banaanida ee Somaliland isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan damaca quwadaha ku loolamaya dunida oo dalka Shiinuhu ugu horreeyo.

Md Tim Loughton ayaa sidan ka sheegay kulan shalay dhexmaray Shir-guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland iyo wefti ka socda baarlamaanka iyo Saxaafadda dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland.

Xildhibaanka oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka UK ee u ololeeya Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, waxa uu ugu horeyn ka hadlay ujeeddada socdaalkooda, waxaanu yidhi, “Farxad-bay noo tahay inaanu Somaliland ku sugan nahay, si aanu u muujino sida aanu u taageersanahay kiiska Shacabka Somaliland, iyadoo xasilloonideedu astaan u tahay dhulka nabdoon.

Waxaanu halkan u nimid inaanu muujino in dhamaan Xildhibaannada kala Baarlamaanka UK taageersan yihiin Somaliland iyo inaanu wax badan oo muhiim ah ka ogaano heshiiska Is-afgarad ee ay la saxeexatay Itoobiya, si aanu u helno jid ama hab aanu culays ugu saarni karno Wasiirrada iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka UK inay taageeraan heshiiska isfaham iyo in Somaliland hesho aqoonsi rasmiya, kaasi oo aad muhiim ugu ah gobolkan.”

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Markaa, Annaga socdaalkani aad buu  muhiim noogu yahay. Waxaanuna la kulanay Madaxweynaha, waxaanuna maalmaha soo socda aanu samayn doonaa kulamo kale oo muhiim ah, si aanu markaa Adduunka ugu faafino in Somaliland gaadhay oo ay kasbatay derajadii aqoonsiga,” sidaas ayuu yidi Md Tim Loughton.

blank
Xildhibaan Tim Loughton Oo ka tirsan Baarlamaanka UK

Xildhibaan Tim Loughton wuxuu xusay muhiimadda Somaliland u leedahay saaxiibbada dalalka reer Galbeedka, waxaanu yidhi, “Somaliland, aad bay muhiim ugu tahay UK iyo Dawladaha kale ee reer galbeedka, maxaa yeelay goobta ay ku taallo juquraafi ahaan. Waxaan filaynaa inay dhiirigelin leedahay in Dawladahaasi barbar taagan yihiin, marka la eego khataraha kaga iman kara Shiinaha oo kale, waayo? Waxa jira waxyaabo ay wadaagaan UK iyo waddamada kale ee galbeedka oo khuseeya dimuqraadiyadda Somaliland.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray, “In Somaliland noqoto dal Madax-banaan oo la aqoonsan yahayna gobolka oo dhan ayay muhiim u tahay, Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee ololaha aqoonsiga Somaliland, waxay arrintan ku faafin doonaan Caalamka,” sidaas ayuu yidhi Md Tim Loughton.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories