HomeSomaliland: 31 Masuul oo xatooyo Qaran loo Haysto iyo lacag dhan 5...

Somaliland: 31 Masuul oo xatooyo Qaran loo Haysto iyo lacag dhan 5 Bilyan SLSH oo la Xaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo tiradoodu gaadhay 31 qof, ayaa loo xidh-xidhay eedaymo musuq-maasuq kaddib markii Hanti-dhowrka guud baadhis ku sameeyey hay’adaha dowladda ee ay xilalka ka hayeen.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo maanta khudbad –sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Hanti-dhowrka Qaranku  baadhis baadhis maaliyadeed iyo mid maamul ku sameeyey 72 waaxood oo ka tirsan hay’adda Dowladda, iyadoo muddada baadhistu socotay la soo eedeeyey 31 masuuliyiin dowladeed ah oo loo haysto inay lunsadeen xoolo ummadeed, isla markaana ay hadda yihiin gar-sugayaal Maxkamadeed.

blankMadaxweynuhu waxa uu sheegay in qasnadda dowladda dib loogu soo celiyey lacag dhan 5 bilyan oo Shillinka Somaliland ah, taasoo hore looga xaday qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tallaabadaasi ku timi wax-ka-beddel iyo dib u habayn lagu sameeyey Shuruucda baadhista iyo hanti-dhowrka ee xukuumaddiisa, waxaanu yidhi, “Waxa aannu aaminsannahay in Maamul-wanaaggu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee lagu beegsan karo Amni Bulsho iyo Horumar ummadeed, laguna heli karo maamul suuban oo laf-dhabar u noqda Dawladnimada.Waxa kale oo uu ka qayb-qaadan karaa kobcinta qaab-dhismeedka iyo hufnaanta shaqada Dawladdi u hayso Shacabkeeda.”

“Sidaa darteed, Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Waxa meel adag la iska taagay Xatooyada Xoolaha Ummadda, waxaana Baadhis Xisaabeed iyo Baadhis Maamul lagu sameeyey 72 Hay’adood oo Dawli ah, waxaana la soo eedeeyey31 Masuul Dawladeed ah oo dacwad sugayaal ah. Waxa Qasnadda Dawladda lagu soo celiyey lacag dhan 5 Bilyan oo SL. Shillinah oo laga lunsaday Qaranka.Waxa la adkeeyey ku-dhaqanka Shuruucda, Baadhista Dambiyada laga galo Maaliyadda iyo Maamulka,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories