HomeSomaliland: 3,000 Arday Ka Qalin-jabiyey Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda

Somaliland: 3,000 Arday Ka Qalin-jabiyey Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jebinayeen  Arday tiradoodu dhan tahay 3,000  (Saddex kun) oo arday oo  ah dufcaddii koowaad ee baratay  Dastuurka iyo Waddaniyadda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay gacanta ku haysay wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurku.

blankMunaasibadda qalinjebinta oo maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha golaha wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda Jaamacadaha kala duwan ee dalka, siyaasiyiin, aqoonyahan, haldoor kale oo bulshada ah, ardayda qalinjebinaysa iyo marti-sharaf kale, iyada oo madasha lagu soo bandhigay khudbado salka ku haya muhiimadda ay leedahay barashada Dastuurka dalka iyo waddaniyaddu.

Ugu horrayn Agaasimaha guud  ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Dastuurka, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo munaasibadda daah-furtay, ayaa si qoto dheer u sharraxday muhiimadda ay qaranka ugu fadhido in da’yarta lagu ababiyo barashada Dastuurka iyo waddaniyadda iyo kaalinta ay wasaaraddu ka ciyaartay sidii uu tacabkani maanta u midho dhali lahaa.

Qaar kamid ah haldoorka reer Somaliland ee lagu tixgeliyo aqoonta oo ay ka mid yihiin Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Cabdi Dirir oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay in dal waliba da’yartiisa ku canqariyo qiimaha waddaniyaddu leedahay, fahan buuxana ka yeeshaan Dastuurkooda, iyaga oo bogaadiyey ardayda tirada badan ee maanta qalinjebisay.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna guul qaran ku tilmaantay in maanta la helay tiro intaas le’eg oo ka mid ah dhallinyarada dalka, kuwaas oo baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda oo qiimo weyn leh.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyey dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, isaga oo ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan geliyeen sidii ay da’yartani  halkan usoo gaadhi lahaayeen, waxana uu shaaca ka qaaday inay soo saareen dhallinyaro maanta ka dheregsan qiimaha waddaniyadda iyo macnaha Dastuurkaba.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna bogaadiyey dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, isaga oo sidoo kale masuuliyadda wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurkana ku bogaadiyey tallaabada ay hore u qaadeen iyo sida ay tacabka ay dhallinyarada dalka kaga dhigayaan muwaaddiniin faham buuxa ka haysta Dastuurkooda.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan isugu jira, ayaa ugu horrayn ardayda qalinjebisay ku bogaadiyey waqtiga ay geliyeen sidii ay u baran lahaayeen dastuurka dalkooda, una fahmi lahaayeen qiimaha waddaniyadda, isaga oo masuuliyiinta wasaaraddana ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu horseed u ah siyaasadda dhallinyarada lagu dhiirrigelinayo barashada Dastuurka iyo waddaniyadda, ayaa sheegay inay guul u tahay in dhallinyarada waddanku qaadaan jidkii guusha iyo waddaniyadda,“Dhallinyarada waddaniyadda baratay, waan idin hambalyeynayaa, waan idiin ducaynayaa, waan idinku dhaadanayaa, haddii aanu odayaashii nahayna waxannu aaminsannahay inaanu Somaliland dadkeedii u hubaynay aqoon ahaan, waddani ahaan iyo tacliin ahaan iyo diin ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu halkaas shahaadooyin ku guddoonsiiyey tiro kamid ah ardayda maanta qalinjebisay, kuwaas oo muddo lasoo barayey Dastuurka iyo waddaniyadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories