HomeSomaliland: 24 qof oo Toddobaadkii u dambeeyey u geeriyooday Cudurka Covid-19

Somaliland: 24 qof oo Toddobaadkii u dambeeyey u geeriyooday Cudurka Covid-19

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Cudurka Covid-19, ayaa si xawlaha ah ugu dhex-faafaya bulshada Somaliland muddooyinkii u dambeeyey, kaddib markii baadhitaanno lagu sameeyey bulshada iyo dadka xannuunku soo-ritay kor-u-kac intii hore ka badani ku yimi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo warbixin ku saabsan xaaladda xannuunkan ka akhriyey shirka Golaha Wasiirrada oo maanta ku qabsoomay madaxtooyada, waxa uu sheegay inuu xannuunku si weyn ugu dhex-fiday bulshada oo uu khatar ku hayo, isla markaana ay toddobaadkii u dambeeyey u geeriyoodeen 24 qof.

blank
Golaha Wasiirada Somaliland 2021

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa soo jeediyey in si xooggan loo dar-dargeliyo wax-qabadka Guddiga heer qaran ee ka-hortagga Xannuunka Covid-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland.

“Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee Cudurka Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku.

Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirrada waxa kale oo lagaga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo Dilalka soo noq-noqday ee masuuliyiinta hay’adaha dowladda lagula bartilmaameedsado magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Labadii bilood ee u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka dhacay Dilal lagu bartilmaameedsaday Guddoomiyihi guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sool Allah ha u naxariistee Cabdilaahi Laba Go’le oo koox dabley ahi ku dishay gudaha Laascaanood 1-dii bishii August ee sannadkan iyo Marxuum Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, kaas oo dabley hubaysani toddobaadkan ku dileen gudaha magaaladaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories