HomeSomaliland: 215 Shirkadood oo ku tartamay 20 Mashruuc oo miisaaniyadda Qaranka laga...

Somaliland: 215 Shirkadood oo ku tartamay 20 Mashruuc oo miisaaniyadda Qaranka laga maal-gelinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey natiijada tartan loo galay 20 Mashruuc oo loo fulinayo hay’adaha Xukuumadda, kuwaas oo maalgelintooda laga bixinayo miisaaniyadda Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga qandaraasyada, wakiillo ka socday shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee mashaariicda loo fulinayo, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay 20 Mashruuc ee loo fulinayo hay’adaha dowladda.

blankMashaariicda oo Qandaraasyadooda ay ku tartameen in ka badan 200 Shirkadood, ayaa kala ah Dhismaha Biriish laga hirgelinayo magaalada Gabiley, Dhisme lagu kordhinayo wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Burco, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Boorama, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Balligubadle, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Kala-baydh, Daabacadda Buugaagta Dalxiiska ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Gaadiid Kiro ah oo loo doonayo Wasaaradda Horurinta Caafimaadka, Qandaraaska Dawada Sheybaadhka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Calafka Xoolaha oo loo doonayo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Waxa kale oo mashaariicda ka mid ah Ballaadhinta Dhismaha Xannaanada Xoolaha ee degmada Oodweyne, Dhisme lagu kordhiyo Xarunta Xannaanada Xoolaha ee degmada Duruqsi, Dhismaha Xarunta Xannaanadaha Xoolaha ee Khaatumo ee gobolka Daadmadheedh, Dhismaha Kastamka Gambadha ee gobolka Sool, Dhismaha xafiiska shaqaalaha Kastamka madaarka Ceerigaabo, Dhismaha xafiiska Shaqaalaha Kastamka Shalcow ee gobolka Sanaag.

Dhismaha Xafiiska Shaqaalaha Kastamka Faraweyne, Qandaraaska Gaadiidka loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Cusbitaallada Maandhaye oo ku yaalla gobollada dalka, waxaanay Gaadiidkaasi kala yihiin Toddoba Mini-bus iyo 2 Lancruiser iyo ugu dambayntii Qandaraaska Daawooyin loo doonayo Cusbitaallada Dhimirka ee gobollada dalka.

Muuqaalka Hoose kaga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo shaaciyey magacyada Shirkado iyo Shaqsiyaad ku guulaystay 20-ka Mashruuc oo ay ku tartameen 215 Shirkadood.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories