HomeSOMALIDU MA WADAAGTO DALALKA IYO DAWLADAHA

SOMALIDU MA WADAAGTO DALALKA IYO DAWLADAHA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankDad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin ama qabaan in Somalidu aanay kala lahayn dalalka iyo dawladaha oo haddii qofku Somali yahay uu degikaro kana shaqaysankaro 5ta Somaliyeed iyaga oo arrintaas u cuskanaya in Somalidu wadaagto: Jinsi, Diin, af, midab, dhaqan iwm. Arrintaasu run maaha ee waa mid ku dhisan majarahabaabin iyo been. Adduunka waxaa jira dalal badan oo wadaaga: Jinsi, Diin, af, midab, dhaqan iwm hadana kala ah dalal iyo dawlado aan isku xad-gudbin kalana madaxbanaan.

Dalalka Carbeed (Carabta Cad-cad) oo kala ah: Algeria, Bahrain, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Syria, Tunisia, the United Arab Emirates, iyo Yemen waxay wadaagaan: Jinsi (Carab), Diin (Islam), af (Carabi), midab, dhaqan iwm hadana midkastaba waa dal gaar ah oo leh dawlad iyo calan, midna kuma xad-gudbikaro qaranimada iyo dawladnimada midka kale. Dhulka iyo dawladnimada dalkasta oo Carbeed waxaa uu ku salaysanyahay xuduudii Gumaysiga Yurub u jeexay. Tusaale, ninka Reer Masar ah ama Reer Jordan ah sharci la’aan kuma gelikaro, kuma degikaro, kamana shaqaysankaro dal kale oo Carbeed haddii aanu sharci u haysan. Xornimadii ka dib, dalalka Carbeed waxay ku heshiinwaayeen inay dhexmarto midnimo ama fadaraal. Sidaas daraadeed, midkastaba dalkiisu, dadkiisu iyo dawladnimadiisu waa u gaar waana xor kala madaxbanaan. Dalalka Carabta waxaa gumaysanjiray Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iwm. Dalalka Carabta waxaa intooda badan gumaysanjiray Ingiriiska haddana way ku heshiinwaayeen midnimo ama fadaraal.

Waxaa dalalkaas Carabta la mid ah dalalka Koonfur Ameerika oo wadaaga: Jinsi (Latin), Diin (Catholic Christian), af (Spanish), midab, dhaqan iwm. Dalalkanu waxay kala yihiin: Argentina, Bolivia, Chile, Colombia, Costa Rica, Cuba, Dominican Republic, Ecuador, El Salvador, Guatemala, Honduras, Mexico, Nicaragua, Panama, Paraguay, Peru, Uruguay iyo Venezuela. Xornimadii ka dib, dalalkan Laatiinka waxay ku heshiinwaayeen inay dhexmarto midnimo ama fadaraal. Sidaas daraadeed, midkasta dalkiisu iyo dawladnimadiisu waa u gaar iskumana cad-gudbaan waxayna dadkoodu iskugu gudbaan sharci waayo dalal xor ah oo kala madaxbanaan. Dalalkan waxaa gumaysanjiray Spanishka. Dalalka Laatiinka Ameerika oo uu gumaysanjiray Spanishku way ku heshiinwaayeen midnimo ama Fadaraal.

Dadyowga Somalidu iyaguna waxay wadaagaan: Jinsi (Somali), Diin (Islam), af (Somali), midab, dhaqan iwm. Somalidu waxay ka koobantahay 5 oo kala ah 3 dal oo xor kalana ah: Somaliland, Somalia iyo Jabuuti iyo 2 gobol oo weli la gumaysto kuwaas oo kala ah Somali Galbeed iyo N.F.D. Saddexda (3) dal ee xorta ah oo kala ah: Somaliland, Somalia iyo Jabuuti midkastaba waxay leedahay taariikh xornimo iyo xuduud u gaar oo uu u qayday Gumaysigii Yurub kaas oo xornimadoodu ku salaysantahay sida dalalka Carabta iyo Laatiin Ameerika. Midkasta dalkeeda laguma gelikaro, lama degikaro lagamana shaqaysankaro sharci la’aan. Qofka u dhashay Somalia sharci la’aan kuma gelikaro, kuma degikaro kamana shaqaysankaro Jabuuti, Somaliland, Somali Galbeed iyo NFD sababta oo ah uma dhalan.

Somaliland oo Ingiriiska ka xorowday June 26, 1960, Somalia oo Talyaaniga ka xorowday July 1, 1960 iyo Jabuuti oo Faransiiska ka xorowday June 27, 1977 waa dalal xor ah oo kala madaxbanaan sida dalalka Carabta iyo dalalka Laatiin Ameerika. Muddo xornimadii kadib, Somalidu waa ku heshiinweyday midnimo ama fadaraal. Midnimada ma ilaaliso in la isku yahay: Jinsi, Diin, af, midab, dhaqan iwm balse waxaa ilaalisa awood-qaybsi cadaalad ku dhisan taas oo Beelaha Somalia ku fashilmeen inay ilaaliyaan 30kii ee is-raaca islamarkaana afduubeen dawladii wadaaga ahayd, boobeen saamigii dawladnimada ee Somaliland. Markii dadka Somaliland ka cawdeen cadaalad xumada waxaa lagu qaaday duullaan loogu geystay xasuuq iyo burburin. Somaliland waxay ka hortagtay duullaanka lana gashay dagaal weyn Somalia soona ceshatay dawladnimadii ka luntay 1960.

Somaliland waxay midowgaas ka noqotay 1991 sidii Senegal iyo Gambia u kala noqdeen (1982-1989), Masar iyo Suuriyana u kala noqdeen (1958-1961) iwm, sidaasna waxaa ku dhimatay midnimadii (1960-1991) markii Somaliland la soo noqotay xornimadeedii ay qaadatay June 26, 1960. Midnimo ama Fadaraal kama hirgelikaraan Afrika sababta oo ah waa QAARAD hoy u noqotay qabyaalad, kelitalisnimo iyo musuqmaasuq cadow u ah heshiiska iyo jiritaanka midnimada ama fadaraalka. Somalidu ma wada laha mana wadaagto dalalka iyo dawladaha balse way kala leedahay sida dalalka Carabta, Laatiin Ameerika iyo dalalka kale ee adduunka ka jira. Midnimada dhexmarta laba dal ama in ka badan maaha muqadas waxayna dalalkaasi kala noqonkaraan markii ay heshiinwaayaan. Laakiin midnimada dal ummaddiisu wadaagto taariikh xornimo, calan iyo xuduud waa muqadas sida Somaliland, Somalia, Jabuuti, Tanzania, Zimbabwe, Zambia iwm.

Caqliga odhanaya qofka Somaliga ah waa uu gelikaraa, degikaraa ama ka shaqaysankaraa Somaliland ama dalalka kale ee Somalida sharci la’aan sababta oo ah waa Somali waa mid ku dhisan khayaali waayo maaha wax la aqbalikaro ama soconkara. Dal aan la kala lahayn waa dal aan dad lahayn, waa dal fawda iyo dawlad la’aan ah. Somaliland waa dal iyo dawlad gaar ah oo aan la gelikarin, la degikarin, lagana shaqaysankarin sharci la’aan waayo waa dal xor ah oo madaxbanaan oo leh dad, taariikh xornimo iyo xuduud u gaar ah sida dalalka Carabta, Laatiin Ameerika, Somalida kale iyo adduunkaba.

Qaabkii dhawaan muwaadiniinta Somalia looga soo tarxiilay Somaliland ma ahayn qaab habboon waayo dadku waxay xaq u laahaayeen in la siiyo waqti ay ku diyaargaroobaan, hantidoona ku soo qaataan. Laakiin dadka ku hadaaqaya ee leh maxaa dad Somaali ah looga soo masaafuriyay Somaliland oo ah dhul Somaliyeed waa dad riyoonaya oo ku nool khayaali, difaacayana fawdo iyo dad aan summad lahayn, dawlad la’aan iyo dal aan la kala lahayn. Somaliland maaha dal Somalida ka dhaxeeya balse waxaa leh dadka ama muwaadiniinta Somaliland oo qudha, xuquuqda dawladnimadiisana sida jagooyinka, derajooyina iyo shaqada iwm waxaa leh muwaadiniinta Somaliland sida ay u wada leeyihiin waajibaadka dalka. Somalida kale waa inay ku gashaa, ku joogtaa kuna shaqaysataa sharci waayo waxay leedahay dastuur iyo shuruuc u agar ah sida dalkasta. Ninkii diidan sidaas ma gelikaro Somaliland sida aanu u gelikarin Jabuuti, Somalia, Somali Galbeed iyo NFD.

Somaliweyn waxay la midtahay Carabweyn oo aan la garanayn inay hirgeli iyo in kale. Somalidu waxay ku maahmaahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Somaliweyn iyo Carabweyn waa midho geed saaran. Somalidu ma wadaagto dalalka iyo dawladaha laakiin waxaa dhexmarikara xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi noockasta ah oo ku salaysan is-xushmayn iyo is-qadarin sokeeye Somalinimo iyo walaaltinimo.

و بالله التوفيق
Ibrahim Hassan Gagale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories