HomeSOMALIALND: Xukuumadda oo mar kale saluug ka muujisay qaabka ay maxkamadaha dalku...

SOMALIALND: Xukuumadda oo mar kale saluug ka muujisay qaabka ay maxkamadaha dalku u qaadaan Dacwadaha Dhalinyarada Geysata Falalka Amni-darrada ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waranHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale si adag u dhaliishay nidaamka shaqo ee hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan qaabka ay maxkamadaha dalku u qaadaan dacwadaha la xidhiidha dhalinyarada faldambiyeedyada kala duwan ka geysata caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa Maxkamadaha Hargeysa ku eedeeyay inay laaluush ka qaataan dhalinyarada lagu soo qabto falalka dhaawacaya amniga iyo nabadegelyadda dalka ee ciidammadda Ammaanku gacanta ku soo dhigaan.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay inaan loo dul qaadan doonin wax uu ku tilmaamay Xaakin dufan ka qaadanaya oo sii daynaya dhalinyaro rabasho iyo amni xumo ka samaynaya dalka.

 “Waxaan ka xumahay inaan halkan ka sheego in maxkamadaheena qaarkood ay la shaqaynayaan dhalinyaradaas, waxaanu qabanay boqolaal Waxaa jirta in marka dhalinyaradan la soo xidho ee kufsi ama boob lagu soo xidho,in maxkamadu ay ku sii daayaan wax-yar oo gacan maris ah, dibaatada jirtaa waa habeen uma hoydaan xabsiga Arrintaasina ma aha mid aanu u dulqaadan karno waananu ka wada hadli doonaa Maxkamadaha.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha guduhu.

Wasiir Waran-cadde waxa uu mar kale baaq u diray dhalinyarada iyo waalidiintaba “Waxaan maanta doonayaa inaan halkan farriin uga diro Caruurta habeenkii rabshadaha ka samaysa xaafadaha magaalada iyo shacabka reer Somaliland oo aan leeyahay u dhego nuglaada baaqa iyo tallooyinka waana in aan dhamaanteen ka hortagno cid kasta oo nabad galiyadeena wax u dhimaysa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaa jira caruur habeebkii xaafadaha ku dhiba dadka waxaan leeyahay waalidiinta Caruurta xun-xun dhalay haddii aad qabsan waydaan idinkaanu idin edbin doonaa oo aanu idinku bedali doonaa.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa bishan horaanteedii mar uu warbaahinta la hadlay, waxa uu dhaliilay qaabka ay maxkamaduhu u qaadaan dacwadaha dhalinyarada falalka amni-darrada ah ka geysta magaalooyinka, waxaanu wakhtigaas ku dhawaaqay shir heer qaran ah oo xukuuumaddu la yeelanayso odayaasha iyo madax-dhaqameedka dalka oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin fulinta xeerarka kala duwan ee dastuurka dalku jideeyey.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories