HomeSOMALIALND: Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Sharci-yaqaan ku Xeel-dheer Heshiisyada Caalamiga ah oo...

SOMALIALND: Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Sharci-yaqaan ku Xeel-dheer Heshiisyada Caalamiga ah oo ka hadlay Dekedda Berbera oo lagu samaynayo Maal-gashigii ugu ballaadhnaa ee Dalka laga hirgeliyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SOMALILAND_Mohamed Bihi Younis_Jason McCue

Hargeysa (SLpost)- Maal-gashigii ugu badnaa ee lagu sameeyo Somaliland muddada 22-ka sanno ah ee ay jiray, ayaa lagu wadaa in lagu dhammaystiro heshiis xukuumadda Somaliland ku horumarinayso Adeegyada Dekedda magaalada Berbera.

Heshiiska lagu maal-ganiyo Dekedda Berbera oo la sheegay inay ku baxayso adduun lacageed oo lagu qiyaasay malaayiin Dollar, ayaa wakhtigan miiska saaran, iyada oo la filayo inay fuliso mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maal-gashiga ku sameeyo dekedaha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis ayaa mashruuca lagu maal-galinayo Dekedda Berbera ku sifeeyey mid ay ka faa’idaysan doonaan shucuubta Somaliland iyo waddanka Itoobiya oo badeecada ugu badan ee dibadda uga yimaadda u isticmaala Dekedda magaalada Jabuuti.

Mr. Biixi oo la hadlayey wargeyska The Africa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha xukuumadu ku doonayso isku xidhka ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland oo u sheegay inuu yahay marinkii nolosha dad badan oo ku nool waddamada Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis waxa uu tafaasiil ka bixiyey qorshe xukuumadu ku doonayso isku xidhka ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland oo u sheegay inuu yahay marinkii nolosha.

“Waxaan rejo weyn ka qabnaa Itoobiya inaan u noqono marinkii taageerada shacabkooda saddex-meelood marka loo qaybiyo meel ka mid ah,” ayuu yidhi Mr. Biixi, mar Wargeyska The Africa wax ka weydiiyey heshiiska dekeda Berbera.

Wasiir Biixi waxa kale oo uu sheegay in la gaadhay wakhtigii ay ahayd in Somaliland Aqoonsi ka hesho beesha caalamka, “Wakhti dhow ayaa la gaadhi doonaa,” ayuu sheegay wasiir Biixi, isagoo raaciyey in xukuumada Soomaaliya Aqbashay isfahamkii loo baahnaa iyo inay dantu ku jirto in qolo walba hore-u-socoto.

Dhinaca kale, waxa maal-geshiga dekedda Berbera ka hadlay Jason McCue oo ah Sharci-yaqaan ku xeel-dheer heshiisyada caalamiga ah. “Ka dib wada-xaajood lix bilood socday, waxa wakhtigan miiska heshiis rejo fiican leh oo lala gelayo shirkada ugu wanaagsan adduunka hawlaha dekedaha,” sidaa waxa Wargeyska The African u sheegay sharci-yaqaankan oo wax laga weydiiyey heshiiska lagu ballaadhinayo dekeda Berbera.

In kasta oo gar-yaqaan McCue ka gaabsaday inuu shaaciyo xaddiga rasmiga ah ee lacagta lagu maalgelinayo dekedda Berbera, haddana waxa  uu carrabaabay inay gaadhay Boqolaal Milyan, isla markaana ay noqonayso adduunkii ugu badnaa ee lagu bixiyo  maalgashi dibadeed oo laga hirgeliyo Somaliland muddada 22-ka sannadood ah ee dalku dhismayey.

“Waxaa la gaadhay wakhtigii Somaliland,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Dekeda Berbera waxay noqon doontaa mid caalami ah.”

Sida laga soo xigtay sarkaal hawshan ku jira, qorshaha dekeda Berbera ayaa noqon doona mid marin u noqda isku-xidhka ganacsiga Qaaradda Afrika iyo waddamada Carabaha, taasoo dhinaca kalena albaab ganacsi u noqon doonta waddanka Itoobiya ee go’doonka ah oo lagu qiyaasay ganacsigooda sannadkii 1.4 Bilyan, sida jariidada The Economic qortay.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories