HomeSomalia:Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Oo La Siiyay Awoodo Dheeraad ah

Somalia:Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Oo La Siiyay Awoodo Dheeraad ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho(SLPOST)Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) oo 27-kii bishii hore lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la siiyay awoodo dheeraad ah.

Muungaab rrr

Jen. Muungaab ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo Gudoomiyihii u horeeyay ee gobolka Banaadir oo ay hoos imanayaan Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, taasoo ah mid aad muhiim ugu ah howlaha sugida amniga Caasimada.

Gudoomiyaha ayaa awood u yeelan doona inuu la xisaabtamo Talisyada Amni ee Muqdisho, waana tan keentay in dowladda ay ku dhiirato in Jen. Muungaab la hoos-geeyo Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo horay u hoos-tagi jiray Talisyadooda Guud.

Dadka odorasa arrimaha Amniga ayaa sheegaya in Muungaab uu yahay nin ka soo bixi kara arrimaha amniga, taasna ay sabab u aheyd in la hoos-geeyo Talisyada Amniga Gobolka Banaadir oo si toos ah ay hoos-tagi doonaan wixii hada ka dambeeya.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa la sheegaa inuu horay u raadin jiray in la hoos keeno ama ay toos uga amar-qaataan Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir, waxaana jiray wada shaqeyn la’aan u dhaxeysa Tarsan iyo laamaha ammaanka Muqdisho, iyadoo marar badan uu eedeymo kulul hawada u mariyay oo ku saabsanaa qorshayaasha sugida amniga Muqdisho.

Duqa Muqdisho Jen, Muungaab ayaa la imaan doono is bedelo xag amni oo ku saabsan sugida ammaanka Muqdisho, iyadoo la sheegayo in durba Gudoomiyaha uu bilaabay inuu wada tashiyo la yeesho qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shacabka Muqdisho ayaa ka war dhowraya waxa uu ka bedelo ammaanka caasimada oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay, dadka qaar ayaa aaminsan maadaama uu askari yahay inuu ka baxo xaalada Muqdisho oo u baahan nin wax ka yaqaana arrimaha amniga iyo istiraatiijiyada ciidan.

Dhowaan ayaa la filayaa inuu xilka si rasmi ah uu kala wareego Gudoomiyihii hore, waxaana markaas iyo wixii ka dambeeyay uu guda geli doona howlaha adag ee hor-yaala oo ay ugu weyn tahay Amniga.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Caasimada Muqdisho dhowrkii todobaad ee u dambeeyay, iyagoo soo saaray culeys aad u weyn, tan iyo markii dowladda ku dhawaaqday inay sanadkan Shabaab ka saareyo deegaaada Gobolada dalka ay gacanta ku hayaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories