HomeSomalia: Wararkii u dambeeyey Dagaalka Beledxaawo oo lagu kala Calaf-qaaday iyo Kenya...

Somalia: Wararkii u dambeeyey Dagaalka Beledxaawo oo lagu kala Calaf-qaaday iyo Kenya oo Badheedhaheeda Dhiibatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kismaayo (SLpost)- Dagaal xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka qarxay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo oo ka tirsan Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa dhexmaray Ciidamo daacad u ah  Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ciidammada Maamul-goboleedka Jubbaland, kuwaas oo isku-haleelay gudaha magaalada Beledxaawo oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, marka laga yimaaddo khasaaraha soo gaadhay ciidamada dagaalku dhexmaray, waxa dagaalka ku geeriyooday 11 qof oo shacab ah halka 14 kalena ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah hawl-wadeennada cusbitaalka magaalada Beledxaawo.

blankDagaalka oo la sheegay inuu bilowday gelinkii dambe ee xalay, waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawamac labada dhinac soo kala gaadhay, waxaana guul inay gaadheen ka sheegatay dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Maxaabiis badan ka qabatay ciidanka Maamul-goboleedka Jubbaland.

Labada dhinac ayaa midba ka kale ku eedeeyey bilowga dagaalka, balse waxa la ogyahay in degmada Beled-xaawo ay ku sugnaayeen Ciidammo ka tirsan kuwa Soomaaliya, halka ciidammada maamul-goboleedka Jubbaland ay fadhiisimo ku lahaayeen degaamo ku dhow magaalada.

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku eedaysay dalka Kenya inay soo abaabushay Jabhad weerar ku qaadday degmada Beledxaawo, balse maamulka Jubbaland ayaa sheegay in jabhado dowladda Federaalka ahi soo abaabusay weerar ku qaadeen degmada Beledxaawo oo maamulkoodu ka taliyo, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid oo warbaahinta la hadlay.

Sheegashada Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Dubbe, ayaa sheegay inay magaalada Beled-xaawo soo weerareen malleeshiyaad la soo hubeeyey oo ay weheliyeen ciidammada Kenya ee ku sugan gudaha dalkaas si ay uga qabsadaan magaalada, balse ay ku guul-darraysteen.

Waxa uu ku dooday inay khasaare gaadhsiiyeen ciidamada maamulka Jubbaland, isla markaana ay gacanta kaga dhigeen 100 maxbuus. Balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Soomalaiya.

Jubbaland oo guul sheegatay

Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa shaaciysay in ay gebi ahaanba gacanta ku dhigeen degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo muddooyinkii u dambeeyey khilaaf siyaasadeed ka taagnaa.

blankSida uu baahiyey Telefishinka Jubaland, Ciidammada Milatariga Jubbaland ayaa si buuxda ula wareegay degmada Beledxaawo, kadib dagaal xooggan oo xalay iyo saaka halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidammo deegaanka u dhashay oo daacad u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Jubaland waxa uu sheegay in dhammaan Ciidamada Federaalka laga saaray degmada Beledxaawo, islamarkaana dagaalku uu haatan ka socdo duleedka magaalada, inkasta oo aanay faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ilaa immika lama hayo warar madax-bannaan oo xaqiijinaya natiijada dagaalka labada dhinac dhexmaray iyo baaxadda khasaaraha ka dhashay oo la rumaysan yahay inay dad shacab ah iyo hanti burburtayba ku jiraan.

Kenya oo Dagaalka ka hadashay

Dowladda Kenya oo ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Ciidammadoodu ka tirsan yahay xoogagga nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa si dadban uga jawaabtay eedaymaha ay dowladda Farmaajo ugu jeedisay dagaalka ka dhacay degmada Baladxaawo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda ay la leedahay Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay in dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaanay walaac ka muujisay inuu dagaalku dhaliyo barakac ku yimaaddo dadka shacabka oo qaxoonti ahaan u gala gudaha dalka Kenya.

Farmaajo vs Axmed-Madoobe

Si kasta ha ahaatee, dagaalka ayaa ku soo beegmaya xilli dalkaasi diyaar-garow adag ugu jiro doorashada Baarlamaanka ee Beesha Caalamku dabada ka riixayso oo qabsoomiddeeda loo muddeeyey sannadkan gudihiisa. Waxaana jira khilaaf sii xoogaysanya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

blankGacan-ku-haynta maamulka Jubbaland ee degmada iyo aayo-ka-talinta deegaamada gobolka Gedo ee hoos yimaadda Jubbaland, ayaa noqotay xuddunta khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Beeshiisu deggen tahay inta badan gobolka Gedo oo xilligan xuddun u noqday khilaafka u dhexeeya Maamulka Jubaland iyo Villa Somalia.

Faahfaahinta ku saabsan Sababta uu gobolka Gedo xuddunta ugu noqday Khilaafka u dhexeeya Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, akhriso WARBIXINTAN oo ay diyaarisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Somalilandpost.net

contact@somalialndpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories