HomeSomalia: Raysal-wasaare Rooble oo la kulmay Agaasimaha Cusub ee NISA iyo Wararkii...

Somalia: Raysal-wasaare Rooble oo la kulmay Agaasimaha Cusub ee NISA iyo Wararkii u dambeeyey ee Xiisadda Kiiska Ikraan Tahliil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye uu si ku-meelgaadh ah ugu magacaabay hay’adda sirdoonka dalkaas ee NISA oo ay weheliyaan hoggaanka maxkamadda ciidammada qalabka-sida iyo Taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Mr Rooble ayaa faray xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida in ay baadhitaan Deg-deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsansirdoonka Dalkaas, taas oo la sheegay in la dilay.

blank

Warku waxa uu intaas ku daray in Raysal-wasaaruhu faray Agaasimaha uu sida ku-meel-gaadhka ugu magacaabay NISA oo lagu magacaabo Jen. Bashiir Gaboobe iyo taliyeyeyaasha Nabad-sugidda iyo Booliska gobolka Banaadir in ay Maxkamadda ku gacan-siiyaan gudashada waajibkeeda maadaama oo sida uu Ray-wasaaruhu sheegay ay jireen caqabado ka hor-yimi guddi hore loogu saaray baadhista kiiska Ikraan Tahliil.

Kulanka Raysal-wasaaraha, Agaasimaha ku-meel-gaadhka ee NISA iyo Taliyeyaasha ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu soo saaray go’aan uu ku diiddan yahay shaqo-ka-joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin.

blank

Sidoo kale, kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Raysal-wasaare Rooble taageero xooggan gudaha dalkaas kaga helay go’aanka uu shaqada kaga joojiyey ninka ay Farmaajo saaxiibka dhow yihiin ee Fahad Yaasiin.

Madaxda maamul-goboleedyada qaarkood, Midowga Murashaxiinta, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyey go’aanka Raysal-wasaaraha Soomaaliya shaqada kaga joojiyey Fahad Yaasiin.

blank
Gen. Bashiir Gaboobe

Kiiska Ikraan Tahliil, ayaa xurguf siyaasadeed oo xooggan ka dhex-abuuray Villa Soomaaliya xilli dalkaasi u diyaar-garoobayo doorashada xildhibaannada Labada Aqal baarlamaanka ee dalkaas. Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si rasmi loogu wareejiyey inuu la wareego hoggaaminta maamul iyo siyaasadeed ee dalkaas muddada doorashada ka hadhsan maadaama oo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Dalkaas oo ay soo dooran doonaan Xildhibaannada ku soo bixi doona Doorashada Baarlamaanka oo loo muddeeyey dabayaaqada sannadkan inay ka qabsoonto dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories