HomeSomalia oo Qiratay Inay Somaliland Kaga Adkaatay Dagaalka maamulka Hawada Sare

Somalia oo Qiratay Inay Somaliland Kaga Adkaatay Dagaalka maamulka Hawada Sare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Duuliska iyo Maamulka Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku guulaysatay inay gebi ahaan iyo dheeraadba la soo wareegto maamulka Hawadeeda oo markii hore gacanta ugu jiray hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya.

In kasta oo aanu jirin war ku saabsan arrintan oo Xukuumadda Somaliland ka soo baxay, haddana waxa warkan xaqiijiyey isla markaana caddeeyey inaanu maamulka hawadu gacantooda ku jirin hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya oo Salaasaddii toddobaadkan soo saaray war-gelin ay ku socodsiiyeen shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala Hawada dalweynihii Laysku odhan jiray Soomaaliya

Hay’adda duulista Somalia waxa ay qoraalka wargelinta ah oo loo yaqaano NOTAM ama (Notice for Airmen) ku caddaysay in lagala wareegay gacan ku haynta iyo maamulka hawada sare in ka badan 60%, iyadoo diyaaradaha usheegtay in hadda wixii ka danbeeya ay kala xidhiidhaan ama wacaan lambarada telefoonada Shirkadda Hormuud ee Satellite-ka u furan (SATCOM), kuwaas oo la hawl-galiyey wixii ka dambeeyey bilowgii khilaafka maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Tallaabadan Soomaaliya ku hawl-galisay lambarrada telefoonada u furan Satelite-ka, ayaa gebi ahaanba baalmarsan sharciga ay Hay’adda ICAO u dejisay hagista duulimaadyada rayidka ah.

blankSida lagu sheegay Qoraallo War-gelin ah oo lagu kala socodsiiyey duulimaadyada maxalliga ah iyo kuwa Caalami ah oo tixraacoodu kala yahay A0058/24 iyo A0059/24, waxa ay Hay’adda Duulista Somalia cadaysay in laga fara-maroojiyay inta badan maamulka Hawada Sare ee dalweynihii Laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliyeed.

Maamulka Hawada ee Soomaaliya qiratay in lagala wareegay oo u dhiganta boqolkiiba 60, ayaa kala ah saddex marin-duulimaad ee ugu muhiimsan oo ay isticmaalaan duulimaadyada caalamiga ahi.

Saddexda marin-duulimaad ee maamulkoodu ka baxay gacanta Soomaaliya oo ah kuwa ay ku safraan diyaaradaha Isticmaala Hawada Somaliland, ayaa kala ah:-

  • Raas Caseyr ilaa Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud (VEDET TO BUBEM)
  • Qandala ilaa Buuhoodle (BOMIX TO MUSBI)
  • Wajaale ilaa Laasqoray (WAJAALE ILAA LAASQORAY)

Ha’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya ayaa 13-kii February ee Sannadkan soo sartay wargelin noocan oo kale ah oo ay ku sheegtay in lagala wareegay 150 miles oo ah maamulka hawada Sare ee Magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda.

blankDhawaaqa ka soo yeedhay Soomaaliya oo bannaanka keenay guulaha Somaliland ka gaadhay dagaalka maamulka hawada oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka dhex-aloosnaa Hargeysa iyo Muqdisho, waxa ay hay’adda Duullimaadyada Soomaaliya ku caddeysay inaanay kaligeed maamulin ee Somaliland gacanta kula hayso boqolkiiba 60 maamulka Hawada Sare.

Guulaha Somaliland ka gaadhay inay dib u soo ceshato gacan ku haynta maamulka hawada, ayaa soo if-baxay horaantii bishii 3aad ee Sannadkan kaddib markii Hay’adda Duullimaadyada ee Somaliland fashilisay shirqoollo dhagaraysan oo Muqdisho looga soo abaabulay shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala hawada Somaliland.

blankArrintan ayaa ku timi kaddib markii Hay’adda Duulista iyo Madaraadda Somaliland kala bad-badiyeen diyaarado ay leeyihiin shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways oo awaamiir qaldan oo inay isku dhacaan sababi gaadhay laga soo siiyey Xarunta Duulimaadyada laga hago ee Muqdisho oo labada diyaaradood ku amray inay ku duullaan joog isku mid ah xilli ay ku safrayeen marin-duulimaad isku mid ah meel u dhow Xeebaha Gobolka Sanaag ee Gacanka Cadmeed.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya oo ka markhaati-kacaya Guulaha Somaliland ka gaadhay dagaalka maamulka hawada Sare, waxa uu qayb ka yahay tallaabooyin bannaanka keenay sida Dowladda Soomaaliya ugu fashilantay dagaalka maamulka hawada oo galaaftay nolosha muwaadiniin u dhashay Somaliland oo u shaqaynayey hay’adda Duulimaadyada ee Somalia, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay dilkooda ka dambaysay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA Halka qaar kalena xadhig iyo jidh-dil loo geystay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories