HomeSomalia: Khubaro Amni oo ka digay in Kooxda Al-Shabaab tusaale ka dhigan...

Somalia: Khubaro Amni oo ka digay in Kooxda Al-Shabaab tusaale ka dhigan karto Taliban

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankHargeysa (SLpost)- Sida deg-degga ah ee Kooxda Taalibaan ula wareegtay gacan-ku-haynta dalka Afghanistan, ayaa abuurtay walaac laga qabo inay tallaabadaasi dhiirri-gelin u noqon karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka oo ay ku jirto Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Khubaro ku xeel-dheer dhinaca amniga waxa ay ka digayaan in haddii hawl-galka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay ka baxaan, ilaalinta amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan ay suurta-gal noqon karto inay timaadddo isbeddelka xaaladeed ee ka dhacay dalka Afghanistan.

Cabdisalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in dalkaasi wejihi karo xaalad la mid ah Afghanistan haddii aanay dowladda Soomaaliya soo af-jarin ku tiir-sanaanta ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sheegay maalin kaddib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuu sheegay in inkasta oo Al-Shabab aanay lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaanay waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

Cabdisalaam Guuleed oo hore u soo noqday Ku xigeenka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, waxa uu intaas ku daray in ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan amniga inta badan gobollada Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Bishii Abril, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM.

La -taliyaha Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, oo warbaahinta la hadlayey toddobaadkan, ayaa meesha ka saaray in lays barbardhigo awoodaha Milatari ee Taliban iyo Alshabaab iyo Xaaladaha ammaanka ee magaalooyinka Muqdisho iyo Kabul.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa, ayaa Kooxda Al-Shabab ka saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011, laakiin kooxda ayaa wali gudaha magaalada ka fulisa qaraxyo iyo weerarro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.

W/Wararka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories