HomeSomalia: Dhimashada iyo Kiisaska Covid-19 oo Korodhay iyo Askar AMISOM ah oo...

Somalia: Dhimashada iyo Kiisaska Covid-19 oo Korodhay iyo Askar AMISOM ah oo laga helay Cudurka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankMuqdisho (SLpost)- Hal Qof ayaa maanta u dhintay Cudurka Covid-19 magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, halka 35 kiis oo hor lehna la xaqiijiyey, sida ay shaacisay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Kiisaska cusub ee maanta la shaaciyey, ayaa badankooda laga helay magaalada Muqdisho, waxaanay tirada guud ee cudurka laga helay dalkaas ka dhigaysaa in ka badan 1000 Qof.

Xogta maanta la shaaciyey, 25 ka mid ah 35-ta qof ee cudurkaas laga helay waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa noqonaysa 1,046 xaaladood, halka dadka ka bogasaday gaadhayaan 121 qof, dhimashada uu sababay xanuunkaas waxa ay gaadhaysaa 48 qof.

Dhinaca kale, sida aanu ka soo xigannay Wargeyska East African Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 37 ka mid ah Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalkaas ee AMISOM, ayaa laga helay caabuqa Coronavirus, iyadoo dhacdadani muujinaysaa sida uu cudurkani u baahay dalkaasi Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan AMISOM ayaa wargeyska The East African u xaqiijiyey in 37 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu ku dhacay cudurka COVID-19, kuwaas oo intooda badani ka soo jeedaan dalka Uganda marka laga reebo Toddoba ka mid ah oo u dhashay dalka Burundi.

Askarta ee ka tirsan AMISOM ee uu  cudurka ku dhacay, ayaa la sheegay in lagu hayo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay deggen yihiin. Waa markii u horeysay ee kiisaska xannuunka Covid-19 oo laga xaqiijiyey Ciidammada nabad-ilaalinta u jooga dalkaasi Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories