HomeSomalia: Beesha Caalamka Oo Ka Digtay Inay Baarlamaanka Ka Mid Noqdaan Xubno...

Somalia: Beesha Caalamka Oo Ka Digtay Inay Baarlamaanka Ka Mid Noqdaan Xubno Debmiyo Geystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Qaramada Midoobay, Ururka Goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Itoobiya, Talyaaniga, Boqortooyada Britain, Sweden iyo Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay in xubno taariikhda ku leh colaado, falal-dembiyeedyo iyo argagixisnimo lagu soo daro  Liisaska Musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka – ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada Somalia iyo kuwa kale ee soo dooranaya, iyadoo laga yaabo in xubnahaas ay ka mid Baarlamaanka Somalia ka mid noqdaan.

20161017636122683180158237beesha_caalamka_warsaxaafadeed_660

Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.

Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya  ee caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

Waxaa (hadda) socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kursi ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.

“Soomaaliya waxay dib usoo dhisanaysaa hay’adeheeda iyo sharciyaddeeda kadib 25 sano oo colaado hubaysan ahaa,” ayuu yiri Mudane Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya. “In la iska diido musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay dalka waxay sii adkeynaysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories