Home“SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee...

“SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee ay Xukuumadda Somaliland ku cabbudhinayso Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qalka”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xuutoHargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey Cabbdudhinta iyo Cadaadiska xad-beelay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda iyo Suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo weliba Xorriyadda Hadalka Muwaaddiniinta Somaliland Dastuurku u dammaanad-qaaday.

SOLJA waxa uu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa uu Qoraalkiisu u dhignaa sidan:-  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee ay Xukuumadda Somaliland ku cabbudhinayso Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qalka, iyadoo falalka ka dhanka ah muwaadiniinta ee xabsiyada loo dhigay iyo kuwa Dacwaduhu ku socdaanba tahay kuwo dhaawac ku keeni kara Dastuurka Somaliland qodd: 32 aad iyo Xeerka Saxaafadda 27/2004.

Ururka SOLJA isagoo ka duulaya masuuliyadda saaran sida ku cad Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Ururkaba waxa uu u arkaa dhalinyarada u xidhan xorriyatul-qalka isla markaana lagu haysto gudbinta fikirkooda ku aadan Heshiiska Dekedda Berbera inay tahay cabudhin.

Sidoo kale, Ururka wuxuu canbaaraynayaa culayskii ciidamadda Booliisku ku hayeen madashii ay dhalinyaradaasi ku hadlaysay, oo ay wariyayaashii wax ka duubayey cabsi darteed kaga fakadeen ciidamadda iyagoo ka daatay Dayrka danbe ee Hudheelkii ay xafladdu ka socotay, kuwaas oo ay u suurtogashay inay sii daayaan fikradaha ay dhalinyaradaasi u xidhan yihiin.

Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu u arkaa wariyayaashii Berbera loogu xidhay baahinta fikirkii xubin ka tirsan xildhibaanka golaha deegaanka Berbera inay sii socoto isla markaana ay marayso in Wargeyska Foore iyo wargeysyada kale ee Dacwaduhu uga socdaan Maxkamadaha ay tahay fal ka hor imanaya damaanadda uu Dastuurka Somaliland siiyey Saxaafadda iyo Muwaadiniinta kala duwan.

Ururka SOLJA waxa uu ku dhaliilayaa xukuumadda Somaliland inay gabi ahaanba hor istaagtay Ilo wareedyadii ay warbaahintu  Xogta ka heli lahayd sida ku cad Heshiisyada ay la soo galayaan shirkaddaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah-ba ama uu Maareeyaha Dekedda Berbera Warbaahinta u sheegay markii ay weftigoodu ka soo noqdeen Imaaraadka Carabta.

SOLJA waxay u aragtaa in dhalinyar Fikirooda ku cabiray warbaahin ay muddo dheer xabsiga ugu jiraan, iyadoo ay Wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo ka tirsan Xukuumaddu warbaahinta u marinayaan Eedo aan jirin, halka aan illaa hada wax Eed ah la hor-gayn Garsoorka.

Ururka SOLJA waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso dhalinayaradaasi xidhan, isla markaana ay joojiso wax kasta o oak dhan ah Xorriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories