HomeSOLJA Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saartay Cabashooyin Uga Yimid Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo...

SOLJA Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saartay Cabashooyin Uga Yimid Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Warsaxaafadeed:

 

Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu jawaab cad ka bixinayaa Cabashooyin kala duwan oo ka soo gaadhay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Madaxda Booliiska gaar ahaan Taliyaha Ciidanka sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan, kuwaas oo ku qotoma Eeddo ay ujeedinayaan qaar ka mid ah saxaafadda oo maalmahan danbe saadaal aan sax ahayn ka bixiyey Loollanka Musharaxiinta Shirka Golaha Dhexe iyo darajada ciidamada.

 

Cabashooyinka SOLJA soo gaadhay oo qaarkood yihiin qoraal ka soo baxay hogaanka Xisbiga Kulmiye, qaarkood na yihiin cabashooyin af-ka ah oo ay ka tirsanayaan Wargeysyada Waaheen cadadkii 1702, , ee 6/10/2015, Sahan 1063, ee 5/2015, Codka Shacabka cadadkiisii 1063 ee 5/10/2015 iyo Ogaal cadadkii 26047, kuwaas oo dhamaantood cabashooyinka loo soo jeediyey yihiin inay soo bandhigeen go’aamo hordhac ah oo ay ka saadaaliyeen Loolanka Kulmiye.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska Somaliland waxa uu cabasho SOLJA uga soo gudbiyey cadadkii Wargeyska Hubaal ee 479 ee 4/10/2015, kaasoo wax ka qoray saraakiil iyo Askar loo xidhay saluug ay ka muujiyeen darajooyin loo qaybiyey qaar ka mid ah ciidamada Booliiska.

 

Hadaba, cabashooyinkan ka soo yeedhay Musharaxiinta Kulmiye iyo Taliyaha Booliiska Ururka Suxufiyiinta Somaliland markii uu darsay isla markaana qiimeeyey awooda saxaafadda Somaliland iyo masuuliyadda culus ee ay arrimahani leeyihiin oo u muuqda kuwo abuuri kara khal khal iyo in bulshada lagu marin habaabiyo saadaal aan sax ahayn, waxa uu ururku u arkaa inay yihiin kuwo loo baahan yahay Saxaafadda iyo suxufiyiinta ka hawl-galaa inay ka fogaadaan, isla markaana aanay mar danbe daabicin illaa inta shirka Golaha Dhexe go’aan rasmi ahi ka soo baxayo.

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ka raaligalinayaa dhamaan masuuliyiinta cabashadan soo gaadhsiiyey saamaynta ay wararkani ku yeesheen Guud ahaan Qaranka, gaar ahaana shakhsinimada masuuliyiintan oo mudan inaan laga baahin warar aan Rasmi ahayn, ama aan lahayn caddaymo ku filan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu soo dhaweynayaa cabashada ay masuuliyiintani usoo gudbiyeen, waxaanan mar kasta ka rajaynaynaa qof kasta oo saxaafadda ka tirsada deel-qaaf in uu soo wargaliyo Ururka isla markaana qadariyo muhiimadda uu leeyahay in lala soo xidhiidho inta aan talaabo kale la qaadin.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu taageerayaa go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo hawl-wadeenadiisu ay ku tixgaliyeen inaan suxufiyiinta xadhigooda loo marin dariiq qaldan, gaar ahaana waxaanu Maxkamadda Gobolka Saaxil ku amaanaynaa talaabadii ay ku diiday codsigii Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo sii dayntii danbe ee labada Wariye eek ala ah Axmed Siciid Maxamed iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo ay usoo celisay Xorriyadoodii.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories