HomeSOLJA Oo Ka Hadashay Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka

SOLJA Oo Ka Hadashay Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Maanta oo ku beegan maalinta loo asteeyay saxaafadda adduunka ee 3-da May ayay ka hadleenmasuuliyiinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.solja1

War-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa lagu sheegay inay SOLJA adduunka kala qayb qaadanayso xuska maalinta saxaafadda adduunka, gaar ahaan qaarada Afrika oo sannadkan aad loo xoojiyay.

Waxaanu u qornaa war-saxaafaddeedkaasi:-

“Daafaha dunida gaar ahaan SOLJA waxay farxadda maAnta la qayb sanaysaa Qaaradda Afrika oo xuskan si weyn looga qaban qaabiyey, maadaama dibu-dhac badani ka muuqdo isla markaana Xukuumaddaha ka taliya qaarkood si xun ula dhaqmaan Suxufiyiinta.
Xuska maalinta saxaafadda dunida oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 3 May SOLJA waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo taageerta Xorriyatul-qawlka iyo Madax banaanida Saxaafadda oo Tiir muhiim u ah bulshooyinka Caalamka iyo Dawladdaha ka jira, kuwaas oo ay saxaafaddu tabiso xogaha iyo wararka ay is-dhaafsadaan.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu caddaynayaa Somaliland inay tahay Dal Madax banaan oo Xorriyatal-qawlka iyo Madax banaanida saxaafadu tahay dunida meelaha ugu horeeya inkasta oo ay jiraan caqabado kooban oo la odhan karo horumar baa laga samayn karaa haddii xeerarka iyo shuruucda dalka ka jira dhinac kastaa u hogaansamo.
Madax banaanida Saxaafadda Somaliland waxay la kowsatay yagleelidii Qarankan Nabada ah ee Dunidu ku majiirato Amaankiisa, taasoo saxaafadda Somaliland u sahashay inay hawl-maalmeedkooda u gutaan si xor ah. Munaasabadanina ay manta ku soo beegantay iyadoo aanu jirin suxufi reer Somaliland ah oo xidhan ama maxkamdi ku socoto, Sidoo kale, SOLJA waxay ka werwersan tahay xaalada ay ku sugan yihiin xarumaha warbaahineed ee xidhan sida Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxayna ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland inay dib Albaabada ugu furto Hay’addahaasi Warbaahineed kuwaasoo xidhan sanadkii labaad.
Gudoonka Suxufiyiinta Somailand waxay ku bogaadinaysaa saxaafada iyo suxufiyiinta inay sanadkan kiisa ku gaadhaan horumar badhaadhe iyo nabadqab.”
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories