HomeSoddon-guurada May 2021 awgeed, Maxay Tahay In Aan Is Weydiino?

Soddon-guurada May 2021 awgeed, Maxay Tahay In Aan Is Weydiino?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blank“Wax-is-weydiinni ma Xumee, Wax-is-waydaarin taa Daran!”

(Hees baa tuducyadaasu ka mid ahaan jireen)

Sanadguurada 30aad ee qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland ayaa soo dhow, waana munaasabad muhiimadeeda leh. Muhiimadda taas ah ma qabo in lagu muujiyo durbaanno iyo sacab keliya. Sodonkaas sanadood marnaba si micno leh, oo caadifaddu ku yartahay, ama kaba madhantahay loogama doodin jihada loo socdo, iyo hadiiba jidka lagu taaganyahay uu yahay kii saxda ahaa. Kolka la doodo ee maskaxda la tuujiyo, wax kasta oo hagaagsani si uu ku sii hagaago ayaa soo baxda, wixii khasaare ah na wuu qaawismaa, dabeeto laga tashadaa sidii looga gudbi lahaa. Talada aadmigu surmo-seegto ma weydo, sidaas darted, in dib-u-eegid joogto ah lagu sameeyo wax kasta oo la wado waa lama huraan. Hadii taas la diido, ama si uun looga gaabiyo, meeshaas khasaare ka eeg.

Si kastaba, aniga oo fikirkaas xaalad-qiimaynta ka duulaaya, sodonka sanadood ee soo socda na maanka ku haya, waxa aan is waydiinayaa, hadiiba ay si uun suurtagal u tahay in dadka waxgaradka ahi ay sanadguuradaan uga faaiidaystaan fursad si dhab ah loogu qiimeeyo dhib iyo dheefba wixii wakhtigas la soo mutay, iyo sidii wixii wanaag ah loo sii wanaajin lahaa, wixii khasaare ah na looga weecan lahaa. Sodonka sanadood ee kuwan tegay xiga, sidii ay u ekaan lahaayeen baa u baahan in la is waydiiyo oo sawir fiican laga haysto, iyada oo sodonka tegay iyo sodonadii ka horeeyay laga dhimbiil qaadanaayo. Calamo iyo durbaano waa wax saacado kooban ku eg, dhaxal na aan lahayn. Wax intaas ka gun dheer, oo dhaxal na reeba ayaa la curin karaa aniga sida ay ila tahay, in aan qaldanahay na waa suurow.

Tusaale ahaan, hadii shicib iyo xukuumad ba la isugu tago, waxa la qaban karaa shir dhowr maalmood socda, oo si dhab ah, oo aqooni ku dheehantahay, looga doodo qodobo dhowr ah, sida:
1. Wax-wada lahaanshaha iyo midnimada dadka dhulkaas ku wada dhaqan, oo si kasta oo xaalku ku dambeeyo ba, koley iyo koleyba is hurran – qodob dood fiican u baahan weeye.
2. Qadiyadda aqoonsiga ama aqoonsi doonka, taas oo ahayd, welina ah, qodobka u gu culus ee 30 gaas sanadood la hadal hayay marba heer uu joogayba, cid mudadaas si dhab ah oo furan uga dooday na aanay jirin, ayaa iyaduna qodob lama dhaafaan ah noqonaysa. Aqoonsigu suurtagal horta ma yahay? Hadii uu yahay, 30 gaas sanadood maxaa loo heli waayay? Hadii aanu ahayn, jid/jidad kale oo noocee ah baa noo furan?
3. Nidaamka dawladnimo ee qaabka Madaxweynaha ku salasan, oo 30 sanadood ka hor loo arkaayay kan u gu wacan, ay manta se ka soo baxeen dhaliilo waawayn oo ka tashi u baahan, ayaa iyaduna is waydiin micno leh u baahan. Ma la heli karaa hanaan ka munaasibsan, oo nidaamka dhaqan-dhaqaale ee dadku leeyahay na la jaan qaadi kara? Nidaamka Madaxweyne ee Afrika, hayadaha kale oo dhan baa shiikha, taladu na hal qof uun bay ku ururtaa, taas oo dhib badan iyo dheefteeda ba leh. Soddonka sanadood ee soo socda hanaankaas miyaa la sii wadayaa, mise wax baa laga bedelayaa? Waa qodob dood u baahan, kaas oo muhiimadiisa lahaan doona si kasta oo masiirka Somaliland ku dambeeyo.

Maxay kula tahay?

“Wax-is-waydiini ma xumee, Wax-is-weydaarin taa daran.” Saw ma aha?

W/Q: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories