HomeSocdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu Daliil u ahaa Guulaha Xukuumadda M-weyne Axmed...

Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu Daliil u ahaa Guulaha Xukuumadda M-weyne Axmed Silaanyo!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

engSocdaalkii dheeraa ee Buur iyo Bannaan ee M/weynahaJSL iyo weftigiisii cuslaa ay ku marayeen gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan [min Baki (Awdal) ilaa Gambadhe (Sool), min Coodanle iyo Balli-dhiig (Togdheer) illaa Ceerigaabo iyo Gudmo-Biyacas(Sanaag) iyo dhulka baaxadda leh ee intaa u dhexeeya; Buur iyo Bannaanba] wuxuu ahaa socdaal ay hagayeen dareen xil-gudasho iyo u-damqasho bulsho oo dhab ah. Wuxuu ahaa socdaal taariikhi ah oo salka ku hayey fikir iyo aragti qumman oo ka soo maaxday maskaxda hoggaamiye daacad ah oo ay si dhab ah uga go’antahay inuu ummaddiisa ka war hayo, inuu ummadiisa xaal ogaado, inuu ummadiisa u damqado oo uu daryeelo intii awoodiisa ah. Wuxuu ahaa socdaal ay ku ladhan-tahay karti, hufnaan, adkaysi iyo feejignaan ay la yimaadeen M/weynaha JSL iyo weftigii cuslaa ee uu hogaaminayey.

Waxa xusid mudan in Madaxweyne Ahmed Silaanyo uu noqday hoggaamiyaha keliya (ee asal ahaan Soomaali ku abtirsada) ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, haddana u badheedhay inuu muddo ka yar toban bilood (10.03.2014) (15.01.2015) booqasho dheer oo qaadatay laba jeer oo min 10 cisho ah ku maro dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka; Buur, Bannaan, Ban, Xeeb iyo Xuduudahaba.

Socdaalkii Buur iyo Bannaan, wuxuu ahaa safar taariikhi ah oo Madaxweyne Ahmed Silaanyo uu si dhab ah ugu kuur-galayey xaaladaha nololeed ee dhabta ah ee ka jira degaannadii uu booqashada ku marayey iyo sida ay u socdaan hawlaha dawliga ah ee shacbiga wax loogu qabanayo, ha noqoto xagga horumarka bulshada, nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha iyo baahiyaha muhiimka ah ee ka jira ee u baahan in xukuumaddu wax ka qabato. Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu ahaa safar muggiisa iyo miisaankiisaba lahaa oo ku qotomay Dareen Xil-gudasho oo dhab ah kaasoo uu M/weynuhu mar kale ku xaqiijiyey ballan-qaadyadii ay xukkuumadiisu ummadda la gashay taasoo ahayd in xukuumaddiisu ay noqon doonto xukuumaddii dadka, dalka iyo danta guud. M/weyne Axmed Silaanyo wuxuu mar kale xaqiijiyey inay xukuumaddiisu tahay Xukuumaddii horumarka iyo wax-qabadka. Wuxuu mar kale xaqiijiyey inay tahay Xukuumad u adeegta danta guud ee bulshada balse aan ku adeeganin; Xukuumad ummadda ugu darta balse aan iyaga kaga darsanin, Xukuumad u danaysa ummadda balse aan iyaga ku danaysan.

Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu ahaa safar si shaki la’aan ah shaaca uga qaaday taageerada baaxadda leh ee ay shacbigu u hayaan M/weyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisaba. Dhulka baaxadda leh ee u dhexeeya min Baki (Awdal) ilaa Gambadhe (Sool), min Codanle iyo Balli-dhiig (Togdheer) illaa Ceerigaabo iyo Gudmo-Biyocas(Sanaag); ha noqoto Buur ama Bannaan; ama Gobol, Degmo iyo Tuulo kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqdaan waxaad arkaysay u riyaaqa iyo rayn-raynta ay shacbigu ku qaabilayeen iyo sida baaxadda leh ee aan loogu kala hadhin soo dhaweynta M/weynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey. Goob kasta oo M/weynuhu booqdo, dhammaanba qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay; dhallaan iyo waayeel, rag iyo haween, wiilal iyo gabdhoba waxay isu abaabulayeen oo ay weftiga ugu diyaar garoobayeen si heersare ah. Waxaad arkaysay dad aad u tiro badan oo ay ku jiraan dhallaan aad u da’ yar oo Calankii Qaranka labada gacmoodba ku haysta oo laga bilaabo subaxdii hore ilaa habeenkii saacadaha dambe sidii safaf dhaadheer u taagan si ay u soo dhaweeyaan M/weynahooda iyo weftigiisa. Soo dhaweyn aan xad lahayn ayaa M/weynaha iyo weftigiisa lagu qaabilayey goob kasta oo ay booqdaan, waxana loo fidinayey sooryo gobannimo iyo mart-gelin milge, maamuus iyo karaamoba leh.

Marka dhinac walba laga eego, Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu ahaa safar si dhab ah u soo jiitay dareenka shacabka isla markaana kasbaday quluubta iyo maanka shacab-weynaha JSL ee samaha iyo horumarkaba jecel. Wuxuu ahaa safar si weyn u soo jiitay indhaha iyo dhegaha saxaafadda gudaha iyo dibeddaba. Dhinaca kale, wuxuu ahaa safar si cad u muujiyey awoodda iyo kartida uu leeyahay Qaranka Somaliland, isla markaana si dhab ah uga nixiyey cadowga noocyada badan leh ee JSL ee gudaha iyo dibeddaba. Wuxuu ahaa safar si dhab ah ugu quus-gooyey isla markaana farriin iyo digniin cadba u diray af-miishaarka, si xun wax u sheegga, horumar-diidka iyo kuwa ku xajiimooda wanaagga ummadda u soo kordha ee had iyo jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya. Socdaalkii Buur iyo Bannaan wuxuu ahaa safar daaha ka rogey Daliilka Guusha Xukuumadda, wuxuuna gar-naqsi iyo markhaati cadba u ahaa horumarka muuqda ee ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ka hirgelisay gobollada iyo degmooyinka dalka.

Geba-gabo:

Bulshada waxa ugu liita qofka Xaqira, Qariya, Dafira ee Iska-indhatira wixii wanaagga iyo horumarka dadkiisa iyo dalkiisa u soo kordha, ciddii doontaaba ha qabatee. Qofka hab-dhaqanka noocan ah lihi waxa keliya ee uu ka fikiraa waa sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa, danta Qarankana waxa kala weyn danta Qabiilka. Waxa keliya ee uu guul u yaqaannaa waa marka uu isagu guushaa iyada ah iska-dhex-arkayo ama koox kale oo ay isaga isku hayb yihiin ama ay dano gaar ah wadaagaan ay guushaa iyada ah ku suntan yihiin, haddii kale guul lama gaadhin!

Wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay xukuumadda hadda talada haysaa ay soo bandhigtay muddadaa 4-ta sano iyo badhka ah maaha wax la iska indho-tiri karo ama la qarin karo, Shacbiga JSL ayaana markhaati iyo gar-sooreba ka ah. Indhihii Caafimaad qabaa way arkayaan, Caqligii feyoobina wuu qirayaa in Xukuumadda M/weyne Ahmed M.M. Silaanyo ay ku suntan-tahay Xukuumad la timid Horumar muuqda, Himilo toosan iyo Hiigsi dhab ah.

Guntii iyo geba-gabadii, Guusha ayaa sideedaba cadow badan leh oo aan cid walba ku qanci doonin, waana dhacdo dabiici ah inaan cid walba ku farxi doonin horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsato. Laakiin, wax-qabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda hadda talada haysaa waxa qiraya, ka marag-kacaya ee ka mahad-naqayaa waa Shacbiga JSL. Taasina waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee M/weynaha iyo Xukuumaddiisu ay ka heli karaan ummaddooda.

 

JamhuuriyaddaSomalilandHA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Jam. Somaliland|

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories