Home“Socdaalka Madaxweynuhu ku Joogo Berbera Waa mid Gaar ah” Afhayeenka Madaxtooyada

“Socdaalka Madaxweynuhu ku Joogo Berbera Waa mid Gaar ah” Afhayeenka Madaxtooyada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Berbera (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warar ay warbaahintu ka qortay in gacan ku haynta dekedda Berbera lagu wareejinayo shirkado ajanabi ah kuwaas oo maamulkeeda iyo maareynteedaba u gacan banaannaan doona. Xukuumaddu waxaa ay  beenisay war sheegayay in Booqashadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku joogo Berbera ay la xidhiidho sidii Ganacsato Carbeed loogu wareejin lahaa dekadda Berbera. Afhayeenka Madaxtooyadda  Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Xalay u warramay degelka wararka ee Gudgudenews oo aanu ka soo xiganay warkan, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah. Waxaanu ku dooday inaanay jirin cid dekadda Berbera lagu wareejinayaa.

“Waxa aan doonayaa inaan kuu xaqiijiyo inaanay waxba ka jirin warar saxaafadda qaarkeed ay qoreen oo sheegayay in Madaxweynuhu u tagay gobolka Saaxil hindise la xidhiidha wareejinta dekadda Berbera. Arrintaasi waa been. Waxaana habboon in saxaafaddu la timaado xil-kasnimo oo aanay bulshadda u gudbin warar been ah,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Aadan Cigge.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah, waxaanu yidhi “Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku joogo gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera waa mid gaar ah. Way jirtay in madaxweynuhu marar badan booqasho shaqo ku tagay Berbera, hase yeeshee booqashadiisani waa mid gaar ah.” “Inkasta oo socdaalkiisa madaxweynaha Somaliland uu yahay mid gaar ah, haddana waxa suurto gal ah inuu la kulmo maamulka gobolka iyo ka degmadda. Waxaanay Berbera ka mid tahay gobollada uu madaxweynuhu booqashooyinka ugu badan ku tagay intii uu xilka hayay.” Madaxweynaha Somaliland waxa uu  shalay  salaadii jimcaha magaaladda Berbera kula tukaday boqolaal qof masjidul Hudda ee magaalo xeebeeda Berbera, ka dibna waxa uu socod ku soo maray meelo ka mid ah shaaricyadda Magaaladda Berbera.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories