HomeSomaliland: Taliska Ciidanka Badda oo Xarun Cusub Loo Dhisayo

Somaliland: Taliska Ciidanka Badda oo Xarun Cusub Loo Dhisayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Dhisme cusub oo loo dhisayo taliska ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa laga dhisayaa Hargeysa. Dhismahaasi oo ay maanta oo axad ah dhagax dhigeen wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo taliyaha ciidamada ilaalada badda sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane.

Ugu horayn taliyaha ayaa sheegay in aannu hore u lahayn ciidanka ilaalada xeebuhu talis noocan oo kale ah, kana waramay baahida ay ciidamada ilaalada xeebuhu u qabeen dhisme/xarun noocan oo kale ah oo ay ku gutaan waajibaadka shaqada ay qaranka u hayaan.

Taliyaha oo arimahaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada ilaalada baddu hoy kuma leha Hargeysa kiruu ku jiraa, waxay noqotay mar haddaanu kiro ku jirno in aannu meeshaannu doono u cararno, dawladda Ingiriiska ayaa guri yar noogu balanqaaday mid weyna waxa aannu ka dhisi doonaa Berbera oo aannu u daysannay in aannu badda ku jeedsanno. Halkanna waxa ay noqon doontaa meesha aannu ciidanka ku ururin doonno”

“Waxa aannu mahad u celinaynaa ciidanka milatariga, gaar ahaan taliyahooda oo bartan noo asteeyay” ayuu yidhi taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha JSL sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane.

Wasiirka wasaaradda warshadaha Shacayb Maxamed Muuse ayaa isna ka hadlay madashan ayaa ciidanka ilaalada xeebaha ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan ee ilaalinta xeebta dheer ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa ka hadlay marxaladaha ay soo martay dhisidda xaruntani una mahadceliyay ciddii ka qayb qaadatay hawshan waxaanna uu yidhi “Dhisidda xaruntan oo runtii aannu mudo dheer daba taagnayn siddii loogu dhisi lahaa ciidanka, mar labaadka waxa aan u mahadnaqayaa dawladda Ingiriiska oo uu ka mid yahay dhismahan iyo hawlo kale oo amniga ah, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa janaraalka ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo isaguna xeradan qayb noogu deeqay”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories